Wasiirro katirsan maamulka 'Puntland' oo laga helay cudurka Carona.

Saturday May 09, 2020 - 12:28:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirro katirsan maamulka 'Puntland' oo laga helay cudurka Carona.

    Maamulka 'Puntland' ayaa ku dhawaaqay in ay diiwaangeliyeen kiisaskii ugu badnaa oo ah caabuqa Covid19.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka 'Puntland' ayaa ku dhawaaqay in ay diiwaangeliyeen kiisaskii ugu badnaa oo ah caabuqa Covid19.


Dr,Jaamac Faarax Xasan oo ah wasiirka caafimaadka maamulka Garowe ayaa warbaahinta u sheegay in laba qof ay xarunta Karaantiilka Garowe ugu dhinteen Carona Virus isagoona carabaabay in wasiirro katirsan 'Puntland' laga helay cudurka.

Wuxuu carabaabay in Carona laga helay 22 ruux oo ay kamid yihiin laba wasiir oo katirsan golaha xukuumadda uu madaxda ka yahay Saciid Cabdullaahi Deni balse ma shaacin magacyada wasiirrada laga helay caabuqan halista ah.


Sida ay ku doodayaan saraakiisha maamulka 'Puntland' dadka Carona qaba ee ku sugan gobollada Bari iyo Nugaal ayaa gaaraya 59 ruux, cudurkan ayaa horay dad badan ugu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items