Al Shabaab oo 7 Madfac ku weeraray Saldhigga Xalane ee Muqdisho.

Saturday May 09, 2020 - 21:42:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 17 21
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo 7 Madfac ku weeraray Saldhigga Xalane ee Muqdisho.

    Weerar madaafiic ah ayaa markale caawa maqribkii lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar madaafiic ah ayaa markale caawa maqribkii lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhowr madafc ay ku hoobteen xerada Xalane oo ah taliska ciidamada AMISOM islamarkaana ay xarumo ku leeyihiin safaaradaha dowladaha reergalbeedka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo ka dhashay tira hoobiyaal ah oo lagu garaacay gudaha xerada Xalane.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan "Mujaahidiinta ayaa 7 madfac ku weeraray xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee saliibiyiinta soo duushay ku leeyihiin Soomaaliya waxaana jira khasaare cadowga gaaray" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Ma ahan markii ugu horraysay oo weerar nuucaan ah lagu qaado Xerada Xalane, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska AMISOM oo ku aaddan weerarkan lagu qaaday saldhigooda Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items