DAGAAL MASKAXEEDKA LAGU SOO QAADAY ISLAAMKA.

Saturday May 09, 2020 - 21:40:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAGAAL MASKAXEEDKA LAGU SOO QAADAY ISLAAMKA.

    Markii ay gaalada reer Galbeedku uu hoggaaminayo ay xoog kaga adkaan waayeen dadka Muslimiinta ah, ayaa waxa ay wax ka beddeleen dagaalkoodii ama duullimaadkoodii. Dagaalkaasi waxa uu isu rogay nooca loo yaqaan dagaal maskaxeedka (qaswul-fikriga).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ay gaalada reer Galbeedku uu hoggaaminayo ay xoog kaga adkaan waayeen dadka Muslimiinta ah, ayaa waxa ay wax ka beddeleen dagaalkoodii ama duullimaadkoodii. Dagaalkaasi waxa uu isu rogay nooca loo yaqaan dagaal maskaxeedka (qaswul-fikriga).


kaas oo ay iska kaashadeen dhawr qolo oo ah afar kooxood, ka lana ahaa Mubaashiriin, Mustashriqiin, Munasiriin iyo Mustacmiriin, oo dhammaantoodba ay ka dambayso fikrad ama aragti Yuhuudi ah, oo ay madax u ahaayeen nimankii la oran jirey Paul Eleizer iyo Ignaz Goldzeiher oo noolaa horrantii qarnigii 20aad inkasta oo ay Mustashriqiintu ka koobnaayeen ilaa dhawr jinsiyadood, oo ay ka mid ahaayeen Ingiriis, Faransiis, Ruush, Jarmal iyo Talyaani. Qolyahani waxa ay aad wax ugu qoreen Islaamka iyo laamihiisa ka la duwan ee aqoonta.


Waxa ay xoog saareen in 7 meelood ama arrimood lagala dagaallamo Islaamka, haddii aan meelahaas dagaal lagu qaadinna aan laga adkaan karin Muslimiinta. Meelaha ay diiradda saareen oo ay ku taliyeen in Islaamka laga weeraro waxa ka mid ahaa:
1) Dagaalka caqliga ama fikirka, oo ah in lagala dagaallamo dhan ah in ay fekeraan, waana in afkaar iyo aragti ka soo horjeedda tan Ialaamku ay barayso laga fogeeyo maal iyo wakhtina lagu bixiyo.

2) In dagaal lagu qaado in hirgeliyo nidaamka shareecada Islaamka ah, waana in loo qoraa ama lagula taliyo in aan diin xilliggan loo baahnayn, dunida u gudubtay in diimo la isku xukumo oo dimuqraadiyad iyo nidaamyo aan dhib lahayn oo wadci ah la isku xukumo.

3) Waa in awood lagu yeeshaa majaalka siyaasiga ah, oo aan talo ku yeellanaa siyaasadda dadka Muslimiinta ah, oo aan noqonnaa kuwo talo iyo soojeedinba ku leh nidaamyada ay samaysanayaan dadka Muslimiinta ah.

4) Dhaqaalaha oo ah lafdhabarta bani’aadamka waa in dagaal lagu qaadaa, oo meesha ay Muslimiinta Sakaadka ka ururiyaan ama ay diintu fartay in la ururiyo, tiir weyn oo iirarka Islaamku ku dhisan yahayna ka mid ah, loogu beddelo canshuuro (taxes), Bangiyadana aan ribo iyo dulsaar kula talino in ay ku saleeyaan ganacsigooda sida innaguba aan samayno.

5) Waa in wax laga beddelaa qaab dhaqameedka qoyska Muslimka, oo waa in dumarka laga xoreeyaa diinta iyo raggaba, waayo haddii qoysku uu isa sii haysto waxa dhaqnaan doona qoyska Muslimka ah, inta qoysku fiyow yahayna lagama adkaan karo Muslimiinta.

6) Waa in gacanta lagu dhigo qarnigan qaabka waxbarashada ama manaahijta dunida lagana dhigo mid gacantooda ku jirta, waana in loo sameeyaa hay’ad caalami ah oo hagta ama majaraha u qabata waxbarashada dunida, waxaana la sameeyey hay’adda loo yaqaan UNESCO, oo aan ognahay sida ay u la daggaalanto sifaadka ama muuqaalka Islaamiga ah ama manaahijta Islaamiga ah.

7) Waa in aan gacanta ku dhignaa warbaahinta dunida, haddii taas lagu guuleystanna waxa aynu hageynaa siyaasadaha iyo go’aammada dunida gaar ahaan kuwo dunida Islaamka ka jira, maaddaama aan isha warbaahinta caalamka oo ummadda laga hago aynu gacanta ku hayno.

Waxa muuqata in ay ku guuleysteen inta badan, oo madaxda iyo hoggaamiyeyaasha u arrimiya dadka Muslimiinta ay ku dhaceen debinkaas, oo ay maanta talo iyo xukunba qaateen ama rummaysteen nidaamkii iyo dagaalkii ay nimankaasi dejiyeen, una arkaan mid sax ah oo in la raaco ama lagu dhaqmo ay tahay arrin lagu liibaanayo ama lagu horumarayo, balse ku dhaqanka nidaamka Alle (swt) iyo Islaamkuba uu yahay mid dib u dhac iyo horumar la’aan ah, inkasta oo aysan lahayn aqoon ku saabsan Islaamka iyo laamihiisa cilmiga ah maaddaama intooda badan loo tarbiyadeeyey nidaamka wadciga ah ama diindarrada ah, oo ay aqoondarro baahsani hayso, aqoonna u yaqaaniin buuggaagta maaddiga ah ee ay qoreen reer Galbeedku.

Waxa muhiim ah in qofka Muslimka ahi uu dareemo ama uu xog-ogaal u yahay meelaha Islaamka laga qaniiney ama laga haysto, haddii taas la fahmo ama la gartana dagaalku ma sii socon doono oo waa soo gabagaboobayaa.

W/Q Suldaan Garyare

Related Items