ICG oo ka digtay dagaal ka dhax qarxa dowladda Farmaajo iyo Mucaaradkeeda haddii dib loo dhigo doorashooyinka.

Sunday May 10, 2020 - 11:42:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ICG oo ka digtay dagaal ka dhax qarxa dowladda Farmaajo iyo Mucaaradkeeda haddii dib loo dhigo doorashooyinka.

    Walaac laga muujinayo dagaal ka dhax dilaaca dowladda Federaalka iyo mucaaradkeeda ayaa sare usii kacaya sida ay sheegayaan Ururada iyo dowladaha taban taabiya gummeysiga lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Walaac laga muujinayo dagaal ka dhax dilaaca dowladda Federaalka iyo mucaaradkeeda ayaa sare usii kacaya sida ay sheegayaan Ururada iyo dowladaha taban taabiya gummeysiga lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.


Warbixin cusub oo ay soo saartay kooxda lagu magacaabo Crisis Group (ICG) ayaa lagu sheegay in haddii hoggaanka dowladda Federaalka ay dib udhigaan doorashooyinka baarlamaani iyo kuwa madaxtinimo uu dhici karo dagaal siyaasadeed oo udhaxeeya dhinacyada isku hayo hoggaaminta Villa Somalia.

ICG waxay ugu baaqday Farmaajo iyo Kheyre in doorashooyinka ay ku qabtaan waqtiga loo asteeyay ayna ka fogaadaan waqti kororsi iyo muquunin siyaasadeed, Crisis Group waxay warbixinteeda ku lifaaqday in suurtagal ay tahay in Madaxda Dowladda ay dib udhigaan doorashooyinka iyagoo marmarsiimo uga dhinaya maareynta caabuqa Covid19 oo dalka Soomaaliya kajira.


Warbixinta kasoo baxday Kooxdan ka fallaata xarasarada caalamiga ah ayaa farta ku fiiqday in haddii waqti kororsi uu ka dhaco Villa Somalia ay dagaal iclaamin doonaan hoggaamiyaal mucaarad ah kuwaas oo hunguri uga jiro in ay hoggaanka uqabtaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilihii lasoo dhaafay ayay siyaasiyiin ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur iyo Xasan Gurguurte waxay soo saarayeen baaqyo ay uga digayaan xil kororsi ay sameeyaan Farmaajo iyo Kheyre.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items