Dagaal khasaara dhaliyay oo ciidamo kawada tirsan dowladda ku dhaxmaray degmada Wadajir.

Sunday May 10, 2020 - 12:25:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaal khasaara dhaliyay oo ciidamo kawada tirsan dowladda ku dhaxmaray degmada Wadajir.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay iska hor'imaad hubaysan oo gudaha magaalada Muqdisho ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay iska hor'imaad hubaysan oo gudaha magaalada Muqdisho ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.


Ciidamo Boolis ah iyo kuwa kale oo daacad u ah siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumadda Kheyre ayaa ku dagaallamay xaafadaha Tarabuush iyo Kaawo Gudey oo kawada tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dagaalka oo bilaawday xalay fiidkii ayaa muddo saacada ah socday, dhinacayada ayaa isku adeegsaday hubka culus, khasaaraha ugu badan wuxuu dagaalka kasoo gaaray dad shacab ah oo hubkii lays waydaarsanayay uu ugu galay guryahooda.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar qof shacab ah ay ku dhinteen iska hor'imaadka, ciidamo daacad u ah Farmaajo ayaa isku dayay in ay baaritaan ku sameeyaan guri uu lahaa sarkaal horay uga tirsanaa melleteriga oo lagu magacaabo Bile Afdheere.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka weerarka kala kulmay ciidamada Farmaajo ay daacad u yihiin siyaasiyiinta mucaaradka kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay xaafado katirsan Muqdisho ku aruurinayay maleeshiyaad ka madax banaan dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items