Faransiiska oo qaadaya xaaladdii bandawga aheyd ee uu dadkiisa saaray.

Sunday May 10, 2020 - 16:46:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faransiiska oo qaadaya xaaladdii bandawga aheyd ee uu dadkiisa saaray.

    Dowladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah uqaadayso xaaladihii bandawga ahaa ee wadankaas lasaaray bishii maarso ee lasoo dhaafay kadib markii uu dilaacay cudurka safmarka ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah uqaadayso xaaladihii bandawga ahaa ee wadankaas lasaaray bishii maarso ee lasoo dhaafay kadib markii uu dilaacay cudurka safmarka ee Carona Virus.


R/wasaaraha Faransiiska ayaa sheegay in maalinta isniinta ay noqon doonto maalin ay malaayiin ruux ay guryahooda kasoo bixi doonaan dibna loo furi doono suuqayada ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka dadweynaha inkastoo xaaladda feejignaanta ah ay wali sii jiri doonto.

Dowladda Faransiiska ayaa wadanka ukala qeybisay laba aag oo kala ah Khadka cagaaran iyo khadka Cas, labadan aag ee wadanka loo kala qeybiyay waxaa saarnaan doono tallaabooyin gaar u ah hadba da'da ay yihiin dadka kunool.


inta badan dadka Faransiiska ku dhaqan ayay suurtagelaysaa in ay ka baxaan xaaladda go'doonka ah ee ay ku jiraan waxaase barbar socda cabsi iyo yididiilo ay ku larantahay taxadar.

Maamulayaasha Faransiiska waxay sheegeen in goobaha ganacsiga oo dib loo furo iyo dhaqaaqa bulshada uu badbaado unoqon doono dhaqaalaha wadanka oo dhulka kusii hoobanayay labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Related Items