Haweenay Talyaani ah oo Soomaaliya ku qafaalneed oo la sheegay in ay islaamtay.

Sunday May 10, 2020 - 16:52:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 25 5
  • Share via Social Media

    Haweenay Talyaani ah oo Soomaaliya ku qafaalneed oo la sheegay in ay islaamtay.

    R/wasaaraha Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in lasii daayay haweenay Italian ah oo muddo 18 bilood ah ku qafaalneed gudaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaaraha Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in lasii daayay haweenay Italian ah oo muddo 18 bilood ah ku qafaalneed gudaha dalka Soomaaliya.


Mas'uuliyiinta Talyaaniga waxay sheegeen in Silvia Romano iyadoo bad qabto ay sii daayeen kooxihii qafaalka uhaystay, safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa warbixin kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in haweenayda markii ay xarunta safaaradda tagtay ay diidday in ay iska dhigto xijaab ay xirneed ayna usheegtay in ay islaamtay.

Diyaarad khaas ah oo dowladda Talyaaniga ay leedahay ayaa Silvia Romano ka qaadday garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho waxaana laga dajiyay magaalada Roma, Muuqaal ay faafisay warbaahinta Talyaaniga ayaa muujinayay Silvia oo xijaaban.


Wargeys kasoo baxa magaalada Roma ayaa sheegay in Silvia Romano ay islaamtay ayna diiday in ay iska bedesho dharka islaamiga ah ee ay xirantahay, illaa iyo hadda lama oga cidda qafaalatay haweenaydan kadibna sii daysay balse warbaahinta ayaa hadal haysa sida wanaagsan ee loola dhaqmay iyo in ay islaamtay.

Haweenaydan lasii daayay ayay xoogag hubaysan sanaddii 2018 kasoo qafaasheen gobolka Chakama ee dalka Kenya waxaana la sheegay in sii daysmadeeda ay dadaal ku bixiyeen ehelladeeda oo taageera ka helaya dowladda Talyaaniga.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items