Duullaankii Badar Maalinkii Uu Alle kala saaray Xaqqa iyo Baadilka [Warbixin].

Monday May 11, 2020 - 10:43:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duullaankii Badar Maalinkii Uu Alle kala saaray Xaqqa iyo Baadilka [Warbixin].

    Badar, ama Yowmul Furqaan, waa qawzo magac iyo maqaam sare ku leh taariikhda Islaamka, waa maalinkii uu Allaah sare yeeley diinkiisa, hoosna u dhigay shirkiga iyo kufriga, waana maalinkii aan ogaannay in guushu aaney ku iman cudud iyo awood toona, la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badar, ama Yowmul Furqaan, waa qawzo magac iyo maqaam sare ku leh taariikhda Islaamka, waa maalinkii uu Allaah sare yeeley diinkiisa, hoosna u dhigay shirkiga iyo kufriga, waana maalinkii aan ogaannay in guushu aaney ku iman cudud iyo awood toona, laguna helo oo keliya in Allaah la isku dhiibo, isagana la kaashado, kadibna asbaabaha intii la awoodo lala yimaado.


Rasuulka Salla-lllaahu Caleyhi wasallam iyo Muhaajiriintii kasoo tagay Makkah, waxay yimaadeen Madiinatul Munawara, iyagoo aan wax wadan wax hanti ah, badi maalkoodana waxay kaga soo tageen Makkah, maadaama safarka Hijrada uu ahaa mid qarsoodi ah.

Sidaas darteed markii uu Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam soo gaaray magaalada Madiina, lana dhisay dowladdii Towxiidka ee uu Suubanuhu hogaaminayay, waxaa lama huraan noqotay in la helo dhaqaale lagu taban taabiyo dowladaas curdunka ahayd.



Gaaladii Qureysheed ee deganyd Makkah, waxay xiriiri ganacsi oo qota dheer la lahaayeen dhulka Shaam, sanadkiina laba jeer ayay Shaam aadi jireen, sidaas darteed Muslimiintii Madiina waxay sanadkii labaad ee hijriyada ka war heleen in kolonyo ganacsi oo uu Abuu Sufyaan hogaaminayo, kana timid Shaam ay kusii jeedo magaalada Makkah.

Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam iyo rag gaaraya inkabadan 300 oo saxaabi oo Ansaar iyo Muhaajiriiin ka kooban, ayaa ka baxay magaalada Madiina, iyagoo hadafkoodu yahay iney wadada u galaan kolonyada Abuu Sufyaan, soona qaniimeystaan hantida iyo badeecada saaran.

Hase ahaate, Jawaasiistii gaaladii Qureysheed ayaa ka war heley dhaq-dhaqaaqa Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, Abuu Sufyaan ayaana ka wareegtay wadadii uu ku socday, wuxuuna maray dhanka Xeebta, qeyla dhaan ayuuna u dirsaday Makkah, isagoo ku wargelinaya arinka soo kordhey.

Quraysh oo aad u careysan ayaa si deg deg ah u uruurisay ciidamo gaaraya kun askari, kuwaas oo hadafkoodu ahaa iney waajahaan ciidanka Towxiidka ee uu hogaaminayo Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, hase ahaate waxaa goor dambe soo gaaray ergay sheegaya in kolonyadii ganacsiga ee Abii Sufyaan ay soo badbaaday, iyaguna ay tahay iney isaga laabtaan Makkah.

Madaxyaweyntii Qureysheed ayaa diiday fariintaas, waxayna sheegeen inaaney laabaneynin, illaa ay fooda geliyaan geyshka Iimaanka ee Madiina ka yimid, qabweynidii Abuu Jahal iyo madax adeygiisa ayaana horseeday in ciidankii Qureysheed oo soo aado halka ay ka dhaceyso macrakada oo ah Badar.

Dhanka Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam iyo ciidankiisa, kuma aaney soo tashan dagaal culus, keliyana waxay ahaayeen rag doonayay in si fudud ay kula wareegaan kolonyda Abuu Sufyaan oo aan ciidan badan wadan, howshuse hadda waa mid adag, waxayna u muuqataa dagaal lagu hilboobi doono.

Marka ay halkan xaaladdu mareyso, wuxuu Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam tashi la sameeyay Saxaabadiisa, raggii uu la kulmeyna waxaa kamid ahaa Abuu bakar, Cumar binul Kadhaab iyo rag kale, dhamaantoodana waxay ishaareen iney fooda geliyaan gaalada Qureysheed.

Hase ahaatee, Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, wuxuu doonayay inuu helo aragtida reer Ansaar ee ku aadan dagaalka, waxaana maalinkaas hadal ay taariikhdu baal dahabi ah ku qortay ku hadlay Ugaaskii Ansaareed Sacad bin Mucaad Radiyallaahu canhu.

Wuxuu yiri Sacad " Waxaad moodaa Rasuulkii Allow inaad anaga na dooneyso, Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam ayaa ku jawaabay haa, markaas buu Sacad bin Mucaad yiri " Waan ku rumeyney Rasuulkii Allow, waxaan ka marqaati kacney in waxaad la timid ay Xaqq yihiin, arinkaasna waxaan kugu siinnay ballamo adag, ee nagu hogaamiyo Rasuulkii Allow halkaad doonto, qofkaad doonto xiriiri, kaad doontana jar, midkaad doonta la colleytan, kaad doontana soo dhaweyso, xoolaheenana ka qaado intaad rabto, intaad doontana ka tag, Alle Ayaan ku dhaartaye xoolaha aad qaadatey ayaana ka jeclnahay kuwaad inooga tagtay, Allihii xaqqa kugu soo saaray Ayaan ku dhaartaye haddii aad inoo soo bandhigto badda, waxaan ku dhex jeexeynaa hortaada, iyadoo uusan naga harin hal nin, ee nagu hogaami wuxuu Alle kugu amray, mana kahaneyno inaan berito la kulanno cadowgaaga, waxaan nahay dad ku sabra dagaalka, kana dhabeeya wixii ay ballanqaadeen marka cadowga lala kulmo, Allena wuxuu xaqiiq ku yahay inuu naga kaa tuso waxay ishaadu ku qabowsato, ee nagu socodsii barakada Allaah”.

Markii uu hadalkan qiimaha badan ee ay raganimada ka muuqato uu jeediyay ugaaskii Ansaar ee Sacad bin Mucaad, aad ayuu u farxay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, wuxuuna dareemay in saxaabadiisa Ansaar iyo Muhaajiriinba uu ka go’anyahay dagaalka.

Saxaabiga jaliilka ah ee Al-Xabaab binul Mundir ayaa soo si usluubeysan usoo jeediyay in Muslimiintu degaan meel ka horeysa ceelka Badar, si gaalada Qureysheed ay biyo la’aan ugu dhacdo, Rasuulkuna waa ku waafaqay.

Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam ayaa aad u duceeyay ka hor dagaalkii Badar, waxaana isagoo kujira teendho loo dhisay uu Allaah ku ilxaaxiyay inuu u gargaaro Mu’miniinta, hadalladii uu yirina waxaa kamid ahaa " Allow haddii aan maanta kooxdan la hagaalo, dib dambe Aduunyada laguguma caabudi doono”.

Abuu bakar Radiyallahu canhu oo arkayay xaalka Rasuulka, oo sidii uu Allaah u baryay go’ii ka dhacay, ayaa ku yiri " Rasuulkii Allow way kugu filantahay intan, Rabigaagana wuu kuu gudi doonaa wuxuu ku yaboohay”.

Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam oo bishaareysanaya ayaaa kasoo baxay teendhadiisa, wuxuuna Muslimiinta ugu bishaareeyay iney jebi doonaan gaalada, xitaa wuxuu tilmaamay goobta lagu dili doono qaar kamid ah madaxya weyntii Qureysheed”.

Aroornimadii hore ee dagaalka oo ahayd 17-ka bisha barakeysan ee Ramadaan sanadka labaad ee hirjiyada, ayaa wuxuu dagaalku ku billowday mubaarazo ay isugu soo baxeen Muslimiinta iyo Gaalada, waxaana dhanka Qureysh kasoo baxay Cutba bin Rabiica, wiilkiisa Al-Waliid, iyo walaalkiisa Sheybah, waxaana dhanka Muslimiinta kasoo baxay Xamza bin Cabdil Mudhallib, Cali bin Abii Dhaalib iyo Cubeyda binul Xaarith, waxaana Xamza iyo Cali ay dileen raggii kusoo aaday, halka Cubeyda binul Xaarith uu dhaawacay gaalkii Al-Waliid, isagna waxaa soo gaaray dhaawac, Cali iyo Xamza ayaana dhameystiray Al-Waliid.

Markaas kadib waxaa billowdy dagaal toos ah oo ay labada saf isku dhex milmeen, Allaahna wuxuu dagaalkaas ka qeyb geliyay Malaa’ik garba siman ku socda, kuwaas oo gumaaday gaaladii Qureysheed.

Todobaadan kamid ah gaaladii Qureysheed ayaa lagu dilay macrakada, oo ku ku jiro Abaa Jahal, oo ay dileen labo wiil oo Ansaar ahaa, laguna kala magacaabo Mucaad bin Camr ibnul Jamaaxu iyo Mucaad bin Cafraa, riwaayada qaarna waxay tilmaamayaan inuu dhameystiray saxaabiga jaliilka ah ee Cabdullaahi bin Mascuud Radiyallahu canhu.

Marka laga soot ago todobaadkan laga dilay Qureysh, waxay kaloo Muslimiintu soo qafaasheen todobaatan kale, oo markii dambe Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam madax furasho ka qaatay.

Jab aaney kasoo waaqsan gaaladii Qureysh ayaa ku dhacay, waxaana intii badbaaday iyagoo dheg la qabta lahayn carar ku galeen magaalada Makkah, kibirkii iyo is tus tuskii ay usoo baxeenna wuxuu Alle uga dhigay halaag iyo haziima qaraar.

Macrakadii Badar, oo uu Allaah ku tilmaamay maalinkii uu kala saaray Xaqqa iyo Baadhilka, ayaa noqotay macrakadii ugu horeysay ee xajmigaas leh oo ay isaga hor yimaadeen Islaamka iyo kufriga, Muslimiintuna waxay Madiina ku noqdeen iyagoo sharfoon, kuna faraxsan Nasriga iyo guusha uu Allaah siiyay.

Hadaba bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado, Towbad keen, Istiqfaar iyo Qur’aan akhris, ayaa dhanka kale ka dhigan bil Jihaad oo ay dheceen dagaalladii ugu waaweynaa ee ay guushu ku raacday Islaamka, waxaana ugu caansan macrakatu Badar.

Halkan ka dhagayso Warbixinta dagaalkii Badar ee dhacay 17-ka Ramadaan

Related Items