Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Monday May 11, 2020 - 11:31:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ee ku sugan deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ee ku sugan deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.


Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weeraro is xigxigay oo ay ciidamada Al Shabaab ka fuliyeen isku imaatin ciidan ay ku dileen dhowr askari.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan sedax askari ay ku dhinteen weeraradan oo midkii ugu dambeeyay uu xalay ka dhacay Baar Sanguuni, sedaxda askari ee ladilay laba kamid ah waxaa laga furtay hubkii ay wateen.

Maleeshiyaadka ku sugan Baar Sanguuni oo lagu tababaray saldhigga ciidanka Mareykanka ee garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa weeraro gaadma ah kala kulmaya xoogaga Al Shabaab ee ku sugan hareeraha Kismaayo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items