Sawirro: Tartanka Qur'aanka Wilaayada Galguduud oo lasoo gaba gabeeyay.

Monday May 11, 2020 - 12:25:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Tartanka Qur'aanka Wilaayada Galguduud oo lasoo gaba gabeeyay.

    Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud waxaa lagusoo gunaanaday tartanka Qur'aanka ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud waxaa lagusoo gunaanaday tartanka Qur'aanka ee bisha barakaysan ee Ramadaan.


Tartankan oo ay ka qeyb gelayaan dadka waaweyn iyo carruurta ayaa lagu tartamayay 30-ka Juz ee Qur'aanka Kariimka.

Munaasabad lagusoo gunaanadayay tartanka oo lagu qabtay masjid Jaamaca Ceelbuur waxaa kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin katirsan wilaayada Galguduud iyo marti sharaf kale.

Dadka waaweyn waxaa kaalinta koowaad galay Cali Macallim Xasan Nuur oo ka socday degmada Galhareeri wuxuuna abaalmarin ahaan uhelay lacag gaaraysa 800 dollar, kaalinta labaadna waxaa galay Cabdi Raxmaan Macallin Axmed oo ka socday degmada Ceelbuur wuxuuna abaalmarin ahaan uhelay 600$.


dhanka carruurta waxaa kaalinta koowaad galay Max'med Axmed Macallin oo ka socday degmada Ceelbuur wuxuuna abaal marin u helay 500 dollar, kaalinta labaadna waxaa galay Farxaan Max'med Yalaxoow wuxuuna abaalmarin uhelay 300 dollar.


















Related Items