Obama oo Trump ku tilmaamay nin islaweyn oo aan waxba qaban.

Monday May 11, 2020 - 14:01:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama oo Trump ku tilmaamay nin islaweyn oo aan waxba qaban.

    Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Brack Obama ayaa dhaleecayn kulul ujeediyay Donald Trump oo uu ku sifeeyay nin isla qab weyn oo maamulkiisu kusoo koobmay Fowdo iyo musiibo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Brack Obama ayaa dhaleecayn kulul ujeediyay Donald Trump oo uu ku sifeeyay nin isla qab weyn oo maamulkiisu kusoo koobmay Fowdo iyo musiibo.


Obama oo khadka taleefanka kula hadlayay muddo 30 daqiiqo ah xubno katirsanaa maamulkiisu ayaa Trump ku eedeeyay in uu dayacay shacabka Americanka ah islamarkaana uu wax weyn ka qabana waayay cudurka Carona ee wadanka kusii faafaya.

Xubnaha xisbiga dimuquraadiga ayuu ugu baaqay in ay taageeraan Joe Biden oo ah ninka xisbiga dimuquraadiga umeteli doona doorashooyinka madaxtinimada ee dhawaan dhici doona.


Shabakadda Yahoo ayaa baahisay codka Obama oo Trump ku sifaynaya nin faan badan,qabiilayste ah islamarkaana sabab u ah mashaakilaadka faraha badan ee mareykanka ku hor gudban.

Mar uu soo hadal qaaday caabuqa Covid19 ayuu Obama sheegay in maamulka hadda jira uu ka gaabiyay xakameynta cudurkan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items