Carona Virus oo si xowlli ah ugu faafaya dalka Ruushka iyo 80,000 oo Mareykanka ku dhimatay.

Monday May 11, 2020 - 21:24:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Carona Virus oo si xowlli ah ugu faafaya dalka Ruushka iyo 80,000 oo Mareykanka ku dhimatay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ruushka ayaa sheegaya in markii ugu horraysay si aan horay loo arag uu cudurka Carona ugu dhax faafayo bulshada wadankaasi ku dhaqan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ruushka ayaa sheegaya in markii ugu horraysay si aan horay loo arag uu cudurka Carona ugu dhax faafayo bulshada wadankaasi ku dhaqan.


Wasaaradda caafimaadka dalka Ruushka ayaa sheegtay in maanta oo kaliya ladiiwaan geliyay in ka badan 11,656 oo xaaladood Carona ah islamarkaana cudurku uu wadanka si xowlli ah ugu faafayo..

Tirada guud ee dadka Carona uu kusoo ritay dalka Ruushka waxay gaartay 221 kun oo ruux sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Putin madaxweynaha Ruushka ayaa lafilayaa in uu jeediyo kalimad uu dadkiisa kula hadlayo oo ku saabsan caabuqa Covid19, dhinaca kale dadka Carona uu ku dilay dalka Mareykanka ayaa gaartay 80,000 oo ruux.


Dhanka wadanka Shiinaha caabuqa Carona ayaa markale dib uga faafay magaalada Wuhan ee dhacda bartamaha wadankaas ahna magaaladii ugu horraysan ee cudurkan uu kasoo bilaawday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items