Askar ka goosatay maamulka 'Jubbaland' oo isku dhiibay Al Shabaab.

Tuesday May 12, 2020 - 11:06:29 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 38 6
  • Share via Social Media

    Askar ka goosatay maamulka 'Jubbaland' oo isku dhiibay Al Shabaab.

    Tiradii ugu badneed oo mar qura kasoo goosata ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayaa lagusoo bandhigay deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tiradii ugu badneed oo mar qura kasoo goosata ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayaa lagusoo bandhigay deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in 5 askari oo katirsanaa maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ay ka goosteen saldhig ciidan oo kuyaal deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidamada goostay ayaa iyagoo hubkooda watay waxay isku dhiibeen maamul islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab halkaas ayaana warbaahinta loogusoo bandhigay, towbad keenayaashu waxay sheegeen in ay dhibaato kala kulmeen ciidamada gummeysiga Kenya ee ay carra tuurka u ahaayeen.


Askarta isku dhiibtay wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa kala ahaa.

1-Maxamed Cali Bakar 2-Aadan Cismaan Cumar 3-Xuseen Ibraahim Xasan 4-Cusmaan Maxamed Cabdullaahi 5-C/qaadir Cumar.

Wareysiyo ay siiyeen warbaahinta ayay ku sheegeen in dhammaantood hubkoodi loo lacageeyay islamarkaana ay dareemayaan deganaan iyo farxad waxay sheegeen in ay ehelkooda dib ugu biiri doonaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items