Silva Romano oo beenisay in islaamnimada lagu qasbay.

Tuesday May 12, 2020 - 12:12:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 43 3
  • Share via Social Media

    Silva Romano oo beenisay in islaamnimada lagu qasbay.

    Silva Romano oo ah haweenay Talyaani ah oo dhawaan lagasii daayay xabsi kuyaal gudaha dalka Soomaaliya ayaa bixisay caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan xaaladeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Silva Romano oo ah haweenay Talyaani ah oo dhawaan lagasii daayay xabsi kuyaal gudaha dalka Soomaaliya ayaa bixisay caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan xaaladeeda.


Haweenaydan oo muddan 18 bilood ah qafaal ahaan loogu haystay dalka Soomaaliya ayaa markii lasii daayay waxay dib ugu laabatay dalkeeda iyadoo muslimad ah oo ka baxday mugdigii gaalnimada.

Waxay sheegtay in si khiyaarkeed ah ay ugashay diinta islaamka waxayna beenisay dacaayado been ah oo ay ka faafinaysay warbaahinta kuwaas oo sheegay in Silva Romano si khasab ah lagu muslimiyay.

"cidna iguma qasbin in aan islaamo aniga ayaa sidaas doortay" ayay tiri Silva Romano oo hadal kooban jeedisay.


Siyaasiyiin katirsan xisbiga midigta xagjirka Talyaaniga iyo warbaahin islaam naceybka ku caan baxday ayaa ku eedeeyay dowladda Talyaaniga in ay lacago madax furasho ah ku bixisay soo daysmada Silva Romano oo ay ku sheegeen in ay qaadatay wax ay ugu yeereen Fikir xagjir ah oo ay ku durayeen diinta islaamka.

Wadanka Talyaaniga ayaa si aad ah looga hadal hayaa qisada gabadhan 24 sana jirka ah oo iyadoo qafaalan ku dhowaad laba sano dalkeeda dib ugu laabatay iyadoo muslimad ah islamarkaana xiran xijaab.

Sirdoonka xukuumadda Roma ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in soo daysmada Silva Romano ay gacan ka geysteen saraakiil Turkish ah oo Muqdisho ku sugan balse illaa iyo hadda lama sheegin cidda haweenaydan kasoo qafaalatay dalka Kenya sanaddii 2018 ee markii dambana sii daysay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items