Dowladda Turkiga oo ku hanjabtay in ay beegsan doonto Khaliifa Xaftar.

Tuesday May 12, 2020 - 13:33:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkiga oo ku hanjabtay in ay beegsan doonto Khaliifa Xaftar.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Turkiga ayaa digniin kulul loogu jeediyay maleeshiyaadka dagaal ooge Khaliifa Xaftar ee ka dagaallamaya wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Turkiga ayaa digniin kulul loogu jeediyay maleeshiyaadka dagaal ooge Khaliifa Xaftar ee ka dagaallamaya wadanka Liibiya.


Turkiga wuxuu sheegay in uu meel walba ku beegsan doono ciidamada Xaftar haddii ay isku dayaan in ay weeraraan saldhigyada iyo masaalixda Turkiga ee wadanka Liibiya "weerarada ka dhanka ah ergada diblumaasiyadeed sida safaaradeeda Daraabulis iyo madaarka Maciitiqiya iyo beegsiga diyaaradaha rayidka ah waxay ka dhigantahay dambi dagaal sidaas daraadeed ma ogolaan karno" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Turkiga.

Xukuumadda Anqara ayaa si cad u sheegtay in ay tallaab adag oo dhanka Melleteriga ah ka qaadi doonto Xaftar haddii uu waxyeello ugeysto masaalixda Turkiga ee dalka Liibiya.


Boqolaal askar iyo saraakiil Atraak ah ayaa ku sugan Liibiya waxayna taageero dhan walba ah siinayaan ciidamada xukuumadda Alwifaaq oo isbuucyadii lasoo dhaafay horumar ka sameynayay jabhadaha dagaalka wadankaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items