Silvia oo isku badashay Caa'isha iyo Al Shabaab oo ka laba gool uga badiyay Talyaaniga (Maqaal)

Tuesday May 12, 2020 - 19:58:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 56 0
  • Share via Social Media

    Silvia oo isku badashay Caa'isha iyo Al Shabaab oo ka laba gool uga badiyay Talyaaniga (Maqaal)

    Silvia Romano oo ah gabar 25 jir ah balse hadda la baxday magaca Caa'isha waxay muddo 18 bilood ah ku sugnayd gudaha Soomaaliya iyada oo gacanta ugu jirtay Xaraka Al-Shabaab sida ay qortay warbaahinta dalka Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Silvia Romano oo ah gabar 25 jir ah balse hadda la baxday magaca Caa'isha waxay muddo 18 bilood ah ku sugnayd gudaha Soomaaliya iyada oo gacanta ugu jirtay Xaraka Al-Shabaab sida ay qortay warbaahinta dalka Talyaaniga.



Maalintii shalay ayay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Ciampino ee magaalada Roma kadib markii ay xoriyadeeda dib u heshay waxaa durbadiiba qabtay kaamaradaha iyo indhaha dadkii goobjoogga ahaa iyada oo ku labisan xijaabka dumarka Muslimiinta ah xirtaan. 


Warbaahinta Talyaanigu waxay sheegtay in ay gabadhu diidday in ay labiskeeda beddesho markii ay kasoo baxday gacanta Al-Shabaab soona gaartay Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.



Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madax ka tirsan dawladda Talyaaniga oo ugu horreeyo Raisulwasaaraha dalkaas Giuseppe Conteiyo Wasiirkiisa Arimaha Dibadda Luigi Di Maio, sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa hooyadeed, aabeheed iyo walaasheed oo dhammaantood ku faraxsanaa soo nabad noqoshada gabadhooda Hayeeshee waxay dadku ka naxeen markii ay tiri "Waxaan qaatay Diinta Islaamka”.

Ereygaasi wuxuu noqday uur kutaallo iyo waran bogga ka wareemay gaaladii Talyaaniga ahaa ee goobta ku sugnayd iyo kuwii shaashadaha ka daawanayey, waxay u arkeen in ay gabadhu khiyaamo qaran ku kacday; waxaase intaas uga darnaa ammaan ay kala dul dhacday dagaalyahannada Al-Shabaab oo sida la sheegay gacanta ku hayay mudadii sanadka iyo barka ahayd ee lasoo dhaafay.

Sida ay qoreen wargaysyada ka soo baxa dalka Talyaaniga, Silvia Romano oo markii dambe la baxday Caa’isha Romano waxay sheegtay in aaney jirin cid ku qasabtay in ay qaadato diinta Islaamka balse ay iyadu si iskeed ah ugu qanacday kadib markii ay baratay Luqadda Carabiga iyo Quraanka intii ay ku jirtay gacanta Xarakada Al-Shabaab, Waxay sidoo kale u sheegtay warbaahinta in si fiican oo sharaf iyo milgo leh islamarkaana bini’aadannimo ku jirto loola dhaqmay intii ay joogtay dhulka ay Shabaabku ka taliyaan oo aaney marnaba dareemin wax cabsi ah ama handadaad ah.

Muddo yar kadib markii ay kasoo dagtay diyaaraddii ka keentay Muqdisho, waxaa loo gudbiyey xaruunta Booliska ladagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee magaalada Roma halkaas oo su'aalo lagu waydiinayay muddo 4 saacadood ah. Waxay saraakiishii waraysanaysay u sheegtay in dadkii gacanta ku hayey ay si fiican ula dhaqmeen oo naxariis badani ku jirto islamarkaasna aysan jir ahaan iyo maskax ahaanba la kulmin wax dhibaato ah. Hadalkaas isaga ah waxaa soo wariyay wargeyska afka dheer ee Corriere della Sera ee kasoo baxa wadanka Talyaaniga.

Dadka Talyaanigu hadallada Caa’isha Romano ee ay ku aamaantay Shabaabka islamarkaana ay shaaca kaga dhigtay qaadashadeeda Diinta Islaamka waxay ka bixiyeen fal-celinno kala duwan, sida ay qoreen warbaahinta wadankaasi.

Falcelinnida Laga Bixiyey hadalka Caa’isha Romano.

Hadalka Caa’isha wuxuu kiciyey foore xanfar daran wata oo guud ahaan saameeyey Talyaaniga wuxuu soo shaac bixiyey cunsurinnimadii reer Talyaani lagu yaqaanay iyo nacaybka ay waligood u qabeen Muslimiinta; wuxuu sidoo kale banaanka keenay in markii ugu horreysay dadkii ay gumaysan jireen ee Muslimiinta Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaalidu ay markaan gool qurux badan ka dhaliyeen.

Agaasimaha Wargeyska cunsuriga ah ee Libero, Vittorio Feltri ayaa boggiisa twitterka ku qoray in dawladda Talyaanigu ay Islaamnimo Talyaaniga keenay kadib markii gabadhan soo Muslimtay ay dalka dib ugu soo celisay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa isna sidiisa oo kale u hadlay Agaasimaha Wargeyska II Giornale, Alessandro Sallusti oo yiri: "Silvia way soo noqotay balse waxay timid iyada oo sidii Jarmalkii Naasiga ahaa u labisan islamarkaasna ku faraxsan. Ma fahmi karo waligeyna ma fahmi doono” ayuu kusoo qoray twitterkiisa, isaga oo ula jeeda in Silvia ay qaadatay dhaqanka iyo diinta dadkii gacanta ku hayey iyada oo ku faraxsan.

Caa’isha Romano oo hore loogu yaqaannay Silvia Romano waxay warbaahinta Open u sheegtay in iyadu ay dalbatay in loo fududeeyo akhrisashada Quraanka ayna aad ula dhacday; waxay sidoo kale beenisay warar been abuur ah oo la isladhex marayey oo ku aaddan in lagu khasbay guur, taa baddalkeedna waxay sheegtay in aaney marnaba la kulmin wax dhibaato ah, ha ahaato mid jir ahaaneed ama mid maskexeed toonna.

Baraha bulshadu ku wada xiriirto ee dalkan Talyaaniga waxaa saacadihii lasoo dhaafay kusoo badanayey hanjabaado, aflagaaddo iyo hadallo ka dhan Caa’isha; taas oo muujisay in bulshada reer-Talyaani aaney wax dulqaad ah, haba yaraatee u lahayn in ay arkaan qof haysta diinta Islaamka.

Marka laga yimaaddo hanjabaadda ka imanaysa in badan oo ka mid ah shacabka Talyaaniga, waxaa jira Musuuliyiin iyo siyaasiyiin tiro badan oo ku baaqaya in la dilo Caa’isha oo ay u arkaan cadow dalkooda usoo baxay. Waxaa ka mid ah Duqii hore ee dawladda hoose ee Treviso, Nico Bosso, oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay sawirka Caa’sha isaga oo ku baaqaya in "la daldalo”.

Hadalladan kasoo baxaya siyaasiyiinta, aqoonyahanka, saxaafadda iyo shacab-waynaha Talyaanigu waxay dunida, gaar ahaan Muslimiinta u muujiyeen halka ay taallo Dimuqraadiyaddii ay muddada ku faanayeen iyo xaqii ay sheegayaan in qof walba uu xaq u leeyahay in uu qaato diinta uu doono.

Reer-Talyaani waxay Caa’isha u arkaan mid ku kacday khiyaamo qaran oo iyada oo dalka ka bixisay lacag faro badan oo madax furasho ahaan loogu wareejiyey dadkii haystay, taas oo Talyaaniga u soo hoysay labo guuldarro oo isa saaran. Waa mide waxay bixiyeen malaayiin dollar si loo sii daayo gabar ay ogaayeen iyada oo Kiristaan ah; waa midda labaade waxay waxaas oo lacag ah ka bixiyeen haweeney Muslim ah Islaamnimadeedana si wayn ula dhacsan oo ay suurtagal ay in ay diinteeda ku fidiso waddanka Talyaaniga, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay bogga aragtida ee Wargeyska Courrier della Sera.

Arinta Caasha Waxay Noqotay Guul U Soo Hoyatay Al-Shabaab iyo Guud Ahaan Gaar ahaan Soomaalida.

Waxaa muuqata in reer-Talyaani miyir beel la asqoobeen, muraara-dilaacna la quusteen markii ay arkeen Caa’isha oo xiran xijaabka dumarka Muslimiinta, jirkeeduna asturanyahay si farxadi ku dheehantahayna u caddeynaysa in ay ku qanacday, qaadatayna diinta Islaamka.

Markiiba waxay wargeysyada Talyaanigu qoreen warbixinno iyo warar ay ku muujinayaan guushau soo hoyatay Xarakada Al-Shabaab iyo sida magacoodu hore ugu maray, sumcaddooda wanaagsanna u tisqaadday.

Isla subaxnimadii xigtay imaatinkii Caa’isha ee Roma, wargeyska La Repubblica ee ugu afka dheer Talyaaniga ayaa qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay: "Soo Noolaanshaha Al-Shabaab iyo Laba-Kaclaynta Sumcaddooda. Al-Shabaab oo ay labo guulood usoo hoydeen” Waxay ku macneeyeen in Shabaabka ay gaareen labo guul oo ay midi tahay in ay lacag badan ay gacanta kaga dhigeen cadowgooda, ta labaadna ay tahay in qof Kirishtaan ah uu gacantooda ku qaatay diinta Islaamka; sidoo kalena ay sumcaddoodii kor u kacday kadib markii ay fashilmeen wararkii been-abuurka ahaa ee ay ka faafinjirtay warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa taageersan.

Dhanka kale, soo laabashada Caa’isha waxay horseedday baaqyo faro badan oo ku aaddan in la joojiyo hay’adaha Talyaaniga ee Diinta Kiristaanka ku fidiya Qaaradda Afrika. Waxay sidoo kale toosh ku ifisay hay’adda Africa Milele oo ay u shaqaynaysay Caa’isha ka hor intii aan la qaban. Hay’addan waxaa ku bilowday baaritaan ku aaddan in ay iyadu gabadhan dayacday kadib markii loo diray deegaanka Chakama ee gobolka ee Kilifi ee Kenya halkaas oo ay ku sugnayd iyadoo aan haysan wax ilaalo ah, isla markaana ah qofka kaliya ee caddaan ah ee deegaanka ka shaqaynayey.

Hadaba haddii hay’adaha Talyaaniga ee mashaariicda ay ku dahsoontay fidinta Kiristaanka laga joojiyo qaaradda, waxay guul weyn u tahay Muslimiinta, gaar ahaan kuwooda ku dhaqan gobolka geeska Afrika oo ay si wayn u aafaysay khiyaamada gaalada Talyaanigu iyo kuwa kale ee reer-galbeedku maleegayaan oo sanad walba lagu bixiyo lacago boqolaal milyan oo doollar ah.

Caa’isha Romano waxay shalay gaartay gurigii hooyadeed iyo aabeheed oo ku yaalla deegaanka casoretti ee magaalada Milan halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyey; waxaa la arkayay iyadoo soo istaagtay daaqada gurigooda halkaas oo ay u gacan haatinaysay boqolaal dadweyne ah oo iskugu soo baxay xaafadeeda si ay u arkaan gabadhan deegaankooda ku dhalatay ee sanad iyo bar kadib soo laabatay iyadoo Muslimad ah.

WQ: Mursal Cabdulle Adam.

Related Items