Kooxo hubaysan oo Sarkaal ciidan ku dilay duleedka Muqdisho.

Wednesday May 13, 2020 - 10:11:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Kooxo hubaysan oo Sarkaal ciidan ku dilay duleedka Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay halkaas ku dileen sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay Lafoole ku dileen sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Cusmaan islamarkaana ay ka furteen qori AK47 ah iyo booshkiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogagii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, weerarada lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay muqdisho iyo duleedkeeda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items