Diyaarado Shisheeye oo gaadiid rakaab ah ku duqeeyay deegaan katirsan Jubbada dhexe.

Wednesday May 13, 2020 - 11:57:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Diyaarado Shisheeye oo gaadiid rakaab ah ku duqeeyay deegaan katirsan Jubbada dhexe.

    Warar faah faahsan ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaarado Ajnabi ah ka geysteen deegaan hoos yimaad degmada Bu'aale ee gobolka Jubba dhexe Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar faah faahsan ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaarado Ajnabi ah ka geysteen deegaan hoos yimaad degmada Bu'aale ee gobolka Jubba dhexe Koonfurta Soomaaliya.

Ugu yaraan hal qof shacab ah ayaa dhaawacmay kadib markii diyaarado shisheeye ay xalay fiidkii duqeyn ba'an ugeysteen dad musaafur ahaa xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Araboow ee Jubbada dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta lagu beegsaday gaadiid ka yimid magaalada Muqdishu kunasii jeeday dhanka wadanka Kenya balse gantaallada ay diyaaraduhu tuurayeen ay hareer mareen gaadiidka bartilmaameedka ahaa.

Gawaarida la beegsaday oo ahaa kuwa Hoomeyda loo yaqaano ayaa tiradoodu waxay gaareysay illaa saddex gaari, waxaana saarnaa rakaab aad u tira badan oo isuga jira caruur, dumar iyo rag.



Duqeynta ayaa ku billaabatay gawaaridan mar ay ka baxeen deegaanka Arabow ee gobolka Jubbada dhexe , halkaas oo ay dadku ka afureen habeenkii xalay, waxayna diyaaradaha oo loo malaynayo in Maraykanku leeyahay ay ku rideen gawaaridan illaa toban gantaal.

Qaar kamid ah dadka Arabow ku nool oo waagu markuu baryay gaaray halka ay duqeyntu ka dhacday ayaa sheegay in sagaal kamid ah gantaallada ay qarxeen, midkoodna uu ku dhex dhacay guri ay dad qoys ah ku noolaayeen, haseyeeshee uu Allaah badbaadiyay.

Dadka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeymaha geystay ay leedahay dowladda Kenya halka dadka qaar ay aaminsanyihiin in diyaaradaha ay leedahay dowladda Mareykanka oo badanaa geysata duqeymaha laayaanka ah ee ka dhaca Jubbooyinka iyo Sh/Hoose, war kooban oo kasoo baxay taliska AFRICOM ayuu isaga fogeeyay in diyaaradihiisu ay fuliyeen duqeyntii xalay.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

 

Related Items