Weerar Hubaysan oo lagu qaaday Saldhigga Guriceel.

Wednesday May 13, 2020 - 11:53:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Hubaysan oo lagu qaaday Saldhigga Guriceel.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in iska hor'imaad khasaara dhaliyay uu ka dhacay gudaha deegaanka Guriceel.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in iska hor'imaad khasaara dhaliyay uu ka dhacay gudaha deegaanka Guriceel.


Maanta barqadii ayaa rasaas xooggan laga maqlay saldhigga Booliska Guriceel kadib markii ay halkaas weerar ku qaadeen maleeshiyaad hubaysan oo la sheegay in ay taageersanyihiin kooxihii Suufida ee lamaja xaabiyay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaad ku hubaysan budad iyo Ulo ay gudaha ugaleen saldhigga Guriceel ayna hubkii ay wateen ka furteen qaar kamid ah ciidamada dowladda waxaana gudaha saldhigga ka dhacay iska hor'imaad muddo socday.


Maleeshiyaadkan ayaa kasoo baxay xerada Harqaboobe oo tababarro ay uga socdeen waxayna caan ku yihiin magaca Dhibboow oo ah maleeshiyaad qaab qoor qabad ah lagu ciidameeyay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Booliska saldhigga Guriceel ay toogteen laba kamid ah maleeshiyaadkii taageersanaa kooxaha suufida ee weerarka qaaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items