Ciidamo katirsan maamulka 'Puntland' oo ka goostay saldhigga Af Urur.

Wednesday May 13, 2020 - 11:56:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 2
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan maamulka 'Puntland' oo ka goostay saldhigga Af Urur.

    Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in lasoo qabtay ciidamo fara badan oo iyagoo gadood ah ubaxsaday dhanka deegaannada uu ka arrimiyo maamulka 'Somaliland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in lasoo qabtay ciidamo fara badan oo iyagoo gadood ah ubaxsaday dhanka deegaannada uu ka arrimiyo maamulka 'Somaliland'.

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in ay baxsadeen ciidamo katirsanaa Daraawiishta maamulka Garowe kuwaas oo ku sugnaa saldhigga Af Urur ee duleedka magaalada Boosaaso.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo tobanaan ah ay lagoosteen hubkii ay wateen oo ubadnaa qoryaha AK47 iyo sanaadiiq rasaas ah waxaa la sheegay in ay ubaxsadeen dhanka gobolka Sanaag oo intiisa badan uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

Jeneraal Yaasiin Cumar Dheere oo ah taliyaha ciidamada Daraawiishta maamulka Saciid Deni ayaa amar ku bixiyay in ciidamada baxsadka ah lasoo qabto tallaab adagna laga qaado, ciidamadan ayaa dhowaan tababar loogusoo xiray saldhigga Xorgoble ee duleedka magaalada Qardho.


Mushaar la'aan iyo duruufo nololeed oo aad udaran ayay ka sheeganayaan ciidabadan baxsadka ah oo sida muuqata doonaya in ay iibsadaan hubkooda ayna ku bedeshaan wax ay ku noolaadaan.

Maamulka isku magacaabay Puntland wuxuu la daalaa dhacayaa dhaqaale xumo uu sabab u yahay musuq maasuqa iyo xatooyada ay ku kacayaan mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulkaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items