Xarakada Al Shabaab oo guddi u saaratay Caabuqa Korona Virus [Akhriso Bayaan]

Wednesday May 13, 2020 - 20:07:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 55 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al Shabaab oo guddi u saaratay Caabuqa Korona Virus [Akhriso Bayaan]

    Bayaan kasoo baxay xafiiska siyaasada iyo Wilaayaatka Xarakada Al-Shabaab ayaa bayaan uu soo saaray waa ku magacaabay guddo loogu talagalay La socodka xaalada cudurka Karoona Virus xilli uu cudurka ku faafayo gobollada ku dhaw dhaw Wilaayaatka Islaam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan kasoo baxay xafiiska siyaasada iyo Wilaayaatka Xarakada Al-Shabaab ayaa bayaan uu soo saaray waa ku magacaabay guddo loogu talagalay La socodka xaalada cudurka Karoona Virus xilli uu cudurka ku faafayo gobollada ku dhaw dhaw Wilaayaatka Islaamiga ah.


Inkastoo weli aanan Wilaayaatka Islaamiga ah laga soo sheegin cudurka Karoona Virus ayaa hadana dhanka kale waxaa jira dad aad u farabadan oo isbuucyadii lasoo dhaafay aad ugu soo qulqulayay wilaayaatka Islaamiga ah kuwaas oo kasoo tegaya magaalooyinka cudurka laga sheegay sida Muqdisho, Jowhar iyo Kismaayo.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Shabakada Wararka SomaliMeMo ayaa wuxuu u qornaa sidan:


"Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee kusoo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Korona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacalladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada iyo Wilaayaatka ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin"

Mas'uuliyiintii kulamada kasoo qayb galay ayaa isla falanqeeyay cudurka iyo saameeynta uu ku yeeshay deegaanno kamid ah dhulka Soomaaliya taas oo sababatay dhimashada qaar kamid ah dadkii uu cudurka ku dhacay, halka qaar kale oo farabadana ay la xanuunsanyihiin.

Sidaas daraadeed maadaamada ummada Muslimiinta ah ay yihiin bulsho nolol wadaag ah kana dhexeeyaan dano farabadan isku socodkooduna badanyahay ayaa arintaas waxay keeni kartaa in cudurku kasoo gudbo dhulalka iyo wadamada uu hadda ka jiro uuna soo gaaro deegaanada ka fayoow hadda ee aanu weli saamaynta ku yeelanin.
Image
Hadaba, iyadoo laga duulayo mas'uuliyada ka saaran Wilaayaatka Islaamiga ah ilaalinta badqabka caafimaadka dadka Muslimiinta ah ayaa waxaa la magacaabay Guddiga Lasocodka Xaalada Cudurka Karoona ee Wilaayaatka Islaamiga ah.

Guddigan oo ka kooban todoba xubnood oo iskugu jira dhakhaatiir, culumo iyo waxgarad, ayaa waxaa loo xilsaaray in ay ka hawlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad ee Wilaayaatka iyo ka talabixinta hadba wixii soo kordha.

Gudiga Lasocodka Xaalada Cudurka Karoona ee Wilaayaadka Islaamiga wuxuu shaqo bilaabayaa marka uu soo baxo bayaanka ogeysiinta ah.

Waxaa dhamaan Maamullada Wilaayaatka Islaamiga ah lafarayaa inay gudigaas la shaqeeyaan, una fududeeyaan wixii hawlo ah oo ay uga baahdaan"

Related Items