Meydadka Muslimiinta Carona ugu dhinta dalka Faransiiska oo aan wali la aasin.

Thursday May 14, 2020 - 07:17:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydadka Muslimiinta Carona ugu dhinta dalka Faransiiska oo aan wali la aasin.

    Xilli caabuqa safmareenka ah ee Carona uu dad badan ku dilayo daafaha caalamka ayay muslimiinta ku dhaqan qaaradda Yurub gaar ahaan Faransiiska waxay lakulmayaan dhibaatooyin dhan walba ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli caabuqa safmareenka ah ee Carona uu dad badan ku dilayo daafaha caalamka ayay muslimiinta ku dhaqan qaaradda Yurub gaar ahaan Faransiiska waxay lakulmayaan dhibaatooyin dhan walba ah.


Muslimiinta Faransiiska waxay ka sheeganayaa in aysan haysan dhul ay ku duugtaan meydadkooda udhintay Carona, sida uu sheegay guddiga muslimiinta Faransiiska waxaa buuxsamay dhulkii dowladdu ay uqoondaysay in muslimiinta lagu xabaalo kaasi oo ahaa dhul aad uyar.

Cabdi samad Aqraash oo ah madaxa jamciyada Dahaara ee faransiiska ka dhisan ayaa sheegay in meydadka muslimiinta ee ku dhinta gudaha Faransiiska aan wali la aasin sababa laxiriira dhulkii lagu aasi lahaa oo loo diiday.


Meydadka muslimiinta ayaa wali ku keydka talaajado halka qaarkood lageeyay xarumo meydadka lagu keydiyo oo gaaladu ay leeyihiin waxaana lagu dhax milay meydad dad gaalo faransiis ah.

Max'med Almuusawi oo ah madaxa golaha islaamka ee faransiiska ayaa isna sheegay in 80% meydadka dadka muslimiinta ee dhinta loo qaado dibadda gaar ahaan dadlka ay kasoo jeedaan oo ubadan mandiqadda maqribul islaami ee waqooyiga qaaradda Afrika.

Xayiraadaha ay dowladaha Midowga Yurub kusoo rogeen xuduudahooda ayaa sii adkeysay suurtagalnimadii aheyd in muslimiintu meydadkooda ka daabulaan faransiiska ayna dibadda uqaataan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dowladda Turkiga ay qaadday tallaab ah in meydadka dadkeeda ee Faransiiska ku dhintay ay dalkeeda udaabusho sidoo kale dadka turkida ah ee qaaradda Yurub uu ku haleelo Carona ayaa diyaarado loogu daabulayaa gudaha wadanka Turkiga.

jaaliyadda muslimiinta ee ku dhaqan Faransiiska ayaa walaac ka muujiyay tallaabadan meydadkooda looga mamnuucay in wadankaas lagu aaso.

Related Items