Covid19 oo dad hor leh ku laayay wadamada Baraaziil iyo Mareykanka.

Thursday May 14, 2020 - 08:14:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Covid19 oo dad hor leh ku laayay wadamada Baraaziil iyo Mareykanka.

    dhimashada dadka uu caabuqa Carona Virus ku dilay caalamka ayaa gaartay 290 kun oo ruux waqti dowlado badan ay ku dhawaaqeen in ay khafiifiyeen xaaladihii bandawga ahaa ee muwaadiniinta lagusoo rogay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhimashada dadka uu caabuqa Carona Virus ku dilay caalamka ayaa gaartay 290 kun oo ruux waqti dowlado badan ay ku dhawaaqeen in ay khafiifiyeen xaaladihii bandawga ahaa ee muwaadiniinta lagusoo rogay.


24 saac gudahood waxaa Mareykanka Carona ugu dhintay dad gaaraya 200 oo ruux taas oo tirada guud ee Carona ugu dhimatay mareykanka waxay gaartay 84 kun oo ruux, saraakiisha americanka ah waxay sheegayaan in xaaladda bandawga ah ay sii saarnaan doonto gobollada qaar balse waxaa bandawga qeyb ahaan laga qaaday 32 gobol.

Wadanka Baraaziil shalay kaliya waxaa Caroona ugu dhintay dad gaaraya749 ruux ruux taas oo ka dhigan dhimashada guud ay gaartay 13,149 ruux, Baraaziil waa wadanka ugu dhimashada badan qaaradda Laatiin America.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items