Iska hor'imaad ay ku dhinteen askar iyo saraakil oo ka dhacay degmada Hodon.

Thursday May 14, 2020 - 09:46:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor'imaad ay ku dhinteen askar iyo saraakil oo ka dhacay degmada Hodon.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad xooggan oo ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray mid kamida xaafadaha magaalada caasimadda ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad xooggan oo ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray mid kamida xaafadaha magaalada caasimadda ee Muqdisho.


Dagaal saacado badan socday ayaa ka dhacay xaafadda Soona K ee degmada Hodon, dagaalka oo udhaxeeyay ciidamo Boolis iyo Melleteri ah ayaa sababay khasaaraha soo gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar askari ay ku dhinteen dagaalka waxaana kamid ah sarkaal ciidan oo lagu magacaabi jiray Dahir Sheikh Cumar kaas oo kamid ahaa saraakiishii dagaalka hoggaaminayay.

Jabaqda rasaastii ay labada dhinac isdhaafsanayeen ayaa laga maqlayay inta badan xaafadaha degmada Hodon iyo deegaannada ku dhow, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamadii dagaallamay ay wali is hor fadhiyaan.


Iska hor'imaadyada udhaxeeya ciidamada dowladda ayaa kusoo noq noqday degmooyinka gobolka Banaadir, horraantii isbuucan ayay aheyd markii laba ciidan ay ku dagaallameen xaafado katirsan degmada Wadahir ee magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items