Taliban oo Weerar Naf hurnimo ku qaadday Saldhig Melleteri oo dhaca Bariga Afghanistan.

Thursday May 14, 2020 - 09:47:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo Weerar Naf hurnimo ku qaadday Saldhig Melleteri oo dhaca Bariga Afghanistan.

    Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa weerarkii ugu xooganaa tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan ka fulisay gudaha wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa weerarkii ugu xooganaa tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan ka fulisay gudaha wadanka Afghanistan.


Wararka ka imaanaya bariga Afghanistan ayaa sheegaya in weerar istish-haadi naf hurnimo ah lagu qaaday saldhig melleteri oo kuyaal degmada Gardez ee gobolka Baktiiya ee dhaca bariga dalka Afghanistan.

Sheekh Daabixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka Taliban ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay fuliyeen weerarka ayna ku dileen tobanaan askar iyo saraakiil ah oo katirsan xukuumadda dabadhilifka Kaabuul.

Bayaan kasoo baxay hoggaanka Imaarada Islaaiga ah ayaa lagu sheegay in weerarka uu fuliyay dagaalyahan naftiis hure ah kaasi oo gaari shaaximan ku beegsaday saldhigga meleteriga degmda Gardez kaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo dhibaata ugeysanayay dadka deegaanka.


Iimaan Khaan Momanda oo ah Afhayeenka gobolka Baaktiya ayaa wakaaladaha wararka u xaqiijiyay in qarax aad uweyn lagu beegsaday saldhig melleteri isagoo Taliban ku eedeeyay in ay adeegsatay gaari shaaximan oo lagasoo buuxiyay walxo aad uqarxa.

Heshiis ay bishii Maarso ee lasoo dhaafay y magaalada Dooxa ku kala saxiixdeen Mareykanka iyo Taliban ayaa dhigayay in dhinacyadu xabad joojin dhaqan geliyaan islamarkaana ciidamada Americanka ah dalka uga baxaan muddo 14 bilood ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items