Askar iyo saraakiil ku dhintay Weeraro ka dhacay Muqdisho iyo Ceelasha.

Thursday May 14, 2020 - 09:48:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 13 3
  • Share via Social Media

    Askar iyo saraakiil ku dhintay Weeraro ka dhacay Muqdisho iyo Ceelasha.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weeraro is xigxigay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weeraro is xigxigay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.


Ugu yaraan 2 askari ayaa dhimatay tira kalane dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii qarax miino lagula beegsaday gaari ay la socdeen xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca duleedka Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaari nuuciisu yahay Roneed uu mar qura qarax qabsaday waxaana markii dambe goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda.

Dhinaca kale rag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ku dilay sarkaal katirsanaa sirdoonka dowladda gaar ahaan qeybta loo yaqaan Dharcadda, war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay ayay ku sheegtay in ay dishay sarkaal lagu magacaabo Liibaan Bashiir.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items