Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedyada Boosaaso iyo Bariire.

Thursday May 14, 2020 - 20:40:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedyada Boosaaso iyo Bariire.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar cusub oo khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka 'Puntland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar cusub oo khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka 'Puntland'.


Ugu yaraan laba askari oo katirsan ciidamada Daraawiishta ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii xoogaga Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig kuyaal deegaanka Balli Khadar oo dhaca duleedka Boosaaso.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogagii weerarka qaaday ay si nabad gelya ah dib ugu gurteen deegaanka Balli Khadar.

Dhinaca kale weerar hubaysan oo galabta ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ayaa sababay dhimasha askari iyadoona ay xoogaga weerarka qaaday ay burburiyeen Mooto uu watay askariga labeegsaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items