Ciidamada Itoobiya oo gaari gaashaaman Jiirsiiyay Maleeshiyaad katirsan maamulka Axmed Madoobe.

Thursday May 14, 2020 - 20:53:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 12 14
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo gaari gaashaaman Jiirsiiyay Maleeshiyaad katirsan maamulka Axmed Madoobe.

    Ugu yaraan 8 askari oo katirsan maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii gaari ay wateen ciidamada Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 8 askari oo katirsan maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii gaari ay wateen ciidamada Xabashida Itoobiya.


Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah ay si ula kac ah gaari gaashaaman u jiirsiiyeen maleeshiyaadka Axmed Madoobe xilli ay ku sugnaayeen meel ku dhow garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Weerarka ayaa intaas ku daraya in shilka ay si xun ugu dhaawacmeen illaa 9 askari kuwaas oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalka weyn ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ciidamada Xabashida ee gaariga jiirsiiyay maleeshiyaadka soomaalida ah ayaa la sheegay in ay socodkooda ay iskasii wateen iyagoo aan istaagin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items