Al Shabaab oo dagaal kula wareegay saldhigyo ciidanka Kenya ay ku lahaayeen Wajeer.

Saturday May 16, 2020 - 15:12:00 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 34 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo dagaal kula wareegay saldhigyo ciidanka Kenya ay ku lahaayeen Wajeer.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato ayaa sheegaya in weerar cusub oo khasaara badan dhaliyay ay lakulmeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada booliska dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato ayaa sheegaya in weerar cusub oo khasaara badan dhaliyay ay lakulmeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada booliska dowladda Kenya.


Xoogag aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar xooggan ku qaaday laba saldhig oo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Qorof Xarar ee gobolka Wajeer.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen laba saldhig islamarkaana ay gubeen xarun ay laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom.

Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay weerarkan waxayna sheegtay in weeraro toos ah iyo qaraxyo lagu beegsaday ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Wajeer oo kamid ah dhulka NFD ee gummeysiga kujira.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items