Lixdii Janaral ee Dhibaateeyey Soomaalida iyo Meeshii ay ku Dambeeyeen.

Saturday May 16, 2020 - 14:23:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Lixdii Janaral ee Dhibaateeyey Soomaalida iyo Meeshii ay ku Dambeeyeen.

    Dhiigga Soomaalidu ma sunbaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhiigga Soomaalidu ma sunbaa?


Ma aqaan qawlkaas ama (athar-kaasi) saxnimadiisa laakiin waxa jira kelmad laga soo dheegto Ibn Casaakir una meel-martay culimada oo la’ yidhaahdo hilibka culimadu waa sumaysan yahay: (لُحُوم الْعلمَاء مَسْمُومَة).

oo looga jeedo qofka dhiba culimada wuu ku sumoobaa oo kama faa’iido, ama si xun buu u dhintaa. Ilaahay baa og. Laakiin halkan waxan ugu soo qaatay tusaale. Lix Jeneral oo Ethiopian ah oo colaad ku dhex abuuray labada shacab ee Soomaalida iyo Ethiopian-ka, si khaas ah oo nacayb fog ku jirona u dhibay Soomaalida iyo halkii ay Jananadaasi ku dambeeyeen. Lixda General ee aan halkan kaga warami doono waxa ay kala yihiin:-.


1. General Tesfaye Gebre-Kidan (Madaxweynihii Ethiopia)
2. Gen. Getachew Assefa (Taliyihii ugu waqtiga dheeraa Sirdoonka Ethiopia)
3. General Aman Andom (Madaxweynihii Ethiopia)
4. General Gebre Dilla (Wakiilkii Militeriga Ethiopia ee Soomaaliya)
5. General Abraha Wolde-Mariam (Taliyihii Ciidamada Bariga iyo Koonfurta Ethiopia)
6. General Fanta Belay (Taliyihii Ciidamada Cirka Ethiopia ee dagaalkii 77-kii.

Waa muhiim in aan diiwaan-gelino dadkii dhibka u geystay shacabka Soomaaliyeed: Israel 1948kii illaa hadda waxay daba socotaa saraakiishii dadkooda xasuuqay dagaalkii labaad ee Adduunka. Laakiin kuwii Soomaalida xasuuqay, shucuubta deriska ahna isku diray! xagga Rabbi baa laga xasuuqay.
Akhris wanaagsan.

Fadlan koob shaah ah u soo samayso kahor inta aanad bilaabin akhriska maqaalkan.

1. General Tesfaye Gebra-Kidan

Wuxu ahaa Taliyihii Ciidamada Aagga Bari ee Ethiopia ee dagaalkii 1977kii. wuxu fadhiisimo waaweyn ka dhigtay Harar, Godey, Wardheer iyo Jigjiga. Ugu dambayn waa ninkii barroosinka aastay Buurta Kaaramardha hoosteeda ee laga saari kari waayey. Dagaalkii kaddib waxa lagu abaal mariyey Wasiirka Difaaca iyo Madaxweyne ku xigeen, markii Mengistu baxayna waa ninkii uu Madaxweynenimada u sii dhiibay ee 7da maalmood ahaa madaxweynaha Ethiopia. General Tesfaye waxa lagu xasuustaa xasuuqii iyo bara-kicintii shucuubta Soomaalida iyo Oromada Bari ee dagaalkaas 77kii. Aad buu u xasuuqay shacabkii.

Maqaal ay qortay jariiradda The Guardian ee ka soo baxda Ingiriiska 20kii May 1980kii waxay ku sheegtay dadka xoogga lagaga bara-bixiyey Bariga Ethiopia iyo Soomaali Galbeed ee uu bara bixiyey General Gebre-Kidan in ay ka badnaayeen malyuun iyo afar Boqol oo kun oo Qof oo leekaa tirada dadweynaha Eritrea ee xiligaas, maantana u dhigmi kara 5 Malyuun iyo 6 Malyuun iyo ka badan. Dadkaasina, inta u dhaxaysa Awdal, Hargeisa, Hiiraan illaa Jubbada Sare ee Gedo iyo xuduudda Bakool ayay qaxoonti ku ahaayeen muddo dheer. Dhiigga Soomaalidu ma raago’e halkee ku dambeeyey General Tesfaye Gabre-Kidan?.

Markii ciidamadii EPRDF soo galeen Addis Ababa 20kii May 1991 Madaxweynihii ku meel-gaadhka ahaa ee Tasfaye wuxu orodkii ku galay safaaradda Talyaaniga. Mar aan booqday safaaraddaas oo aan rabay in aan si uun war uga helo way ii suurta geli weyday in aan arko. Haddaba, 13 sano kaddib, General Tesfaye oo nacayb badani ugu jirey Soomaalida iyo Eriteriyaanka ayaa ciilkii iyo cuqdadii xejisan waayey kaddibna kula dul dhacay saaxiibkii Berhanu Baye oo ahaa Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Mengiste, oo isaguna safaaradda magan-gelyo ku joogay. General Tesfaye wuxu ku eedeynayaa Berhanu Baye in uu ahaa mid mar kasta cadawga la jira maaddaama uu horseed ka’ahaa wadahadaladii Soomaaliya iyo Ethiopia ee Mosco ee 1977kii iyo maxaabiis is weydaarsashadii 1989kii ee labada dal, sidoo kalena xaaskiisu ay ahayd Eritrean, dhawr jeerna uu wada-hadal la’furay EPLF. Berhanu oo aad uga xanaaqay colaadda ninkaas ayaa madaxa nabar kaga dhufanaya General Gebre-Kidan safaaradda dhexdeeda. Janaraalkii Soomaalida dhibay ee Tasfaye Gebre-Kidan 8dii August 2004tii ayuu silic iyo saxariir iyo dhiig-bax ugu dhimanayaa nabarkaas madaxa kaga dhacay isaga oo maxbuus ah oo dembiile ah. Dhiiga Soomaalidu biyo ma’aha.

2. General Getachew Assefa

Wuxu ku dhashay Gobolka Tigray ee Ethiopia hilaaddii 1954kii, inkasta oo la’ sheego in uu ka weyn yahay intaas oo uu dhashay 1944. Wuxu kamid ahaa saraakiishii sare ee jabhaddii Tigreega. Muddo ku dhow 20 sanona wuxu ahaa Taliyihii ciidanka sirdoonka Ethopia. Getachew inkasta oo aanu title General qaadan jirin laakiin maaddaama uu ahaa Taliyaha Ciidanka Amniga iyo Sirdoonka Qaranka, isaga iyo ku xigeenkiisii Yared-ba Janaral baa loogu yeedhi jirey. Taliyuhu wuxu caan ku ahaa nacaybka Soomaalida, meel kastaba ha joogaane. Sida uu qiray maraxweynihii hore ee Somali State Cabdi Iley, dhibaatadii iyo xasuuqii ka dhacay gobolka Soomaalida xiligisii dhammaan waxay ahaayeen buu yidhi fulinta amaro ka yimid General Getachew. Wixii Jeel Ogaadeen ka dhacay iyo dhiiggii wiilasha iyo hablaha Soomaaliyeed ee ka buuxsamay Gidhibka Jigjiga(Biyo-xidheenka) waxay ahaayeen qorshihii Getachew. ‘Isagaa igu amray’ sidaa waxa 11kii July 2018 yidhi Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi iley).

Mushkiladda Getachew kuma koobnayn kililka Soomaalida oo keli ah, ee shaqada ugu badan wuxu ka hayey Jamhuuriyadda dhexdeeda. Inkasta oo uu ahaa nin aad isu qariya, nin Dublamasi ah baa hore u sheegay oo yidhi: in aad aragto Meles Zenawi iyo in aad aragto Gen Getachew, kun jeer waxa fudud in aad aragto Raisal Wasaare Meles. Dublamasi kalena wuxu yidhi Raisal Wasaare Haile Mariam Desalegn waxa in badan ka awood badnaa General Getachew. Janaralku shaqada ugu badan ee uu ku mashquulsanaa waxay ahayd dagaal uu ku hayey Soomaalida, Oromada iyo Eriteriyanka. Xagga Soomaalida wuxu ka shaqeeyey fulinta laba qorshe oo uu lahaa Meles Zenawi oo uu ugu talo galay in aan Soomaali weligeed dowlad yeelan.

Qorshaha koowaad wuxu ahaa (Balkanisation of Somali Republic) oo ah in Somalia loo qaybiyo state-yo yaryar oo kala madax-bannaan oo col ah), qorshahaas oo si fiican loo soo kariyey, isaguna uu si fiican u fuliyey. Qorshaha labaad na wuxu ahaa in hub fara badan la geliyo gudaha Soomaaliya.
Nacaybka Soomaalida ee Gen Getachew intaa kuma koobnayn. Kulan ay 9kii June 2009 wada qaateen Safirkii Maraykanka ee xiligaas iyo General Getachew oo ay baahisay Wikileaks wuxu kala hadlay sidii ururkii ONLF loogu dari lahaa liiska argagixisada dunida, madaxdiisana loo cirib-tiri lahaa sida kuwa Al Qaaciida. Arrintaas oo safiirka u cuntami weyday. Wuxu kaloo maalintaas kala hadlay Safiirka in la’ taageero jabhado iyo xoogag ka jira Soomaaliya oo aan sharci ahayn. Isku soo wada dar oo dhibtii uu General Getachew 20 kaas sanadood Soomaalida u geystay waa mid ay u dhutin doonto sanado badan oo dambe. Laakiin Dhiigga Soomaalidu ma raago, ee halkee ku dambeeyey General Getachew Assefa?.

Markii bishii 4aad ee 2018 uu xukunka Ethiopia la’ wareegay Dr Abiyi Ahmed wuxu isla bishii 6aad xilkii ka qaaday Getachew. Xil ka qaadistaa waxa ka dhashay halis badan, illaa 6 jeer buu ka badbaaday Abiyi isku day dil. Intaa kaddib Xeer ilaalinta Ethiopia waxay Getachew ku soo oogtay dacwad halis ah oo la xiriirta dembiyadii uu geystay, Ku xigeenkiisii General Yared isagana xabsiga ayaa loo taxaabay. Wixii mudadaas ka dambeeyey Getachew waxa ku raad jooga Booliska dalka iyo kuwa deriska. Inkasta oo Xeer Ilaaliyaha Guud Ato Berhanu Tsegaye aaminsan yahay in General Getachew ku dhuumaalaysanayo xaafadaha isku raranta ah ee Maqale ee Gobolka Tigray, haddana lama yaqaan meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Kolley kuma noola nolol xoriyad ah ee haddii uu nool yahay wuxu ku nool yahay werwer iyo walbahaar.

Markaas oo kale Reer Baydhabo waxay yiraahdaan ‘Kooy i aan’. Banaadiriguna inta ay farta dhabanka ku qabtaan ayay yidhaahdaan: Mac sonkor.

3. General Aman Andom

(Waa ninkii ciidankiisu dileen geesigii Xalane)
Dagaalkii 1964kii wuxu ahaa mid kamid ah labadii dagaal ee waaweynaa ee dhex-maray Soomaaliya iyo Ethiopia. Dhinaca Ethiopia waxa hoggaaminayey General Aman Andom oo ahaa taliyaha Qaybta 3aad ee Bariga Ethiopia, Dhinaca Soomaalidana waxa barta hoggaaminta ee xerada Birjeex fadhiyey Kornaylkii Reer Qardho ee Jaamac Muuse Samatar iyo Halgamaagii Reer Hargeisa ee Cali Nuur.

Sida uu ii sheegay General Galaal oo dagaalkaa ka qayb-galay ujeedka Ethiopia wuxu ahaa in ay qabsadaan magaalada Xeebta ah ee Berbera, iyaga oo laba dhinac ka soo gelaya.

Ciidamadaas General Aman, inkasta oo Kornayl Salaad Gabayre iyo Kornayl Doonyaale oo ciidanka Soomaalida ee faranta jooga hoggaaminayey dagaal adag kula galeen Tog-Wajaale, Ina Guuxaa iyo Daba-Gorayaale, haddana ciidamadii duulaanka ahaa dhib badan bay u geysteen ciidanka Soomaalida oo xiligaas curdin ahaa. Dad badan oo Reer Somali Galbeed ahna way bara-kiciyeen. Dadkii uu Janaral Aman barakiciyey sanadahaas 1962-64kii waxa kamid ahaa Cabdiraxman Maadey oo ah Hoggaamiyaha xiligan ee ONLF iyo qoyskooda. Abwaan Sangubna markii uu dhibaatadaas xasuusinayey Xayle Selaase iyo madaxdii Afrika ee 1974kii Xamar ku shiraysay waa kii lahaa:-
Duubo oo indhaha qari
Ha Dareemin geerida
Soomaali diiddaye
Ha la’ duugo meyd baa
Qabrigii Dulyaallee.

Dagaalkaas 1964kii, raggii tirada badnaa ee maalmahaas Ciidanka Soomaalida ka dhintay waxa kamid ahaa Geesigii Xalane oo ciidamadii ka amar qaadanayey General Aman Andom ku dileen Tog-Wajaale isaga oo difaacaya calanka dalkiisa oo u diiddan in cadowgu gacanta ku dhigo.
Ugu dambayn Gen. Aman Andom oo isku magacaabi jirey Libaaxii Saxaraha (Lion of the Desert) si xun buu u dhintay, oo 1974kii baa Kaare lagu jiidhsiiyey Addis Ababa, dibna looma maqal. Laakiin naftii-hurihii Maxamed Cabdulle Xalane ma dhiman oo illaa hadda magaciisu waa nool yahay. Dhiiga Soomaalidu biyo ma’aha.

4. General Gabre Dilla

General Gabre Heard Dilla (Gebregziabher Alemseged) maqalkiisa waxa iigu horraysay bishii January 2007. Xilligaas oo uu ahaa hoggaamiyaha dhabta ee ciidamada Ethiopia ee qabsaday Xamar (Supreme commander of the Ethiopian Military Forces in Somalia). Maqalkiisana waxa inoogu dambaysay July 2018kii markii laga qaaday Xilkii uu IGAD iyo Ethiopia uga hayay Soomaaliya. Kow iyo Tobankaa sano General Gebre wuxu ahaa General Qaasim Suleimanigii Iraan ee Ciraaq fadhiyey oo kale. Wuxu gaadhay in uu noqdo sida wakiilkii ama Viceroy gii boqortooyadii England ee India nin ka sarreeya cid walba iyo hay’ad walba. (Mr Kulli).

Dhibaatadii Xamar ay ka geysteen ciidamadii Ethiopian-ka TPLF ee duqeeyey shacabka magaalada waxa amarka siinayey General Gabre. Dhibaatadiisu sanadihii dambe shacabkii waa dhaaftay oo waxay u gudubtay bahdilka madaxda dalka. 22kii February 2008 TV-ga Press TV ee Iran wuxu baahiyey in General Gabre madaxtooyada dhexdeeda dil ugu hanjabay madaxdii dowladda, dhacdadaas oo kale oo ay dunida ugu dambaysay dagaalkii 2aad ee Adduunka oo ahaa hab-dhaqankii Naazigii Jarmalka. Waxa kale oo caan noqotay in isaga iyo saaxiibkii General Yohannes Abate ay lacag badan ka sameeyeen dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo aan wax qiime ah agtooda ka’ lahayn. Gacantaydu way ka xishoonaysaa in ay qorto lacagta uu Nin xildhibaan ahi ii sheegay in maalintii ay soo geli jirtay Gabre iyo Yohannes!.

Dhiigga Soomaalidu ma qalalo’e. Sida uu 15kii November baahiyey ESAT TV, Gabre waa la’xidhay, iyada oo lagu eedeeyey dembiyo ka dhan ah aadamenimada. Waxa aad loo aaminsan yahay in uu ku jiro xabsi ku yaalla Addis Ababa. Ama ugu yaraan in uu sida saaxiibkii Getachew ku nool yahay nolol cabsi iyo dhuumasho ah. Dhiiga Soomaalidu biyo ma’aha.

5. General Abraha Woldemariam

Gen. Abraha oo lagu naaneysi jirey (Rubuc) Wuxu ahaa saraakiishii sare ee Jabhaddii Tigreega. Wixii ka dambeeyey 1991kiina wuxu kamid noqday saraakiisha ciidamada Ethiopia.

Muddooyinkii ugu dambeeyey wuxu ahaa taliyihii xukumayey Bariga iyo Koonfurta Ethiopia. Waxa kale oo uu noqday Taliye ku xigeenka Guud ee Ciidamada Military ga. Ka’horna wuxu kamid ahaa Janaralaadii xasuuqa ka geystay dagaalkii Eritrea, ee maxaabiista badan laayey, gaar ahaan goobihii Badhame iyo Zalambessa. Gen. Abraha waxa kale oo uu sabab u ahaa xasuuq iyo gumaad badan oo ka dhacay Gobolka Soomaalida. Magaaloyin dhan oo la’ gubay iyo shacab qaarna la dilay, qaarna la’ barakiciyey. Hay’adaha xuquuqda aadamaha u dooda aad bay wax uga qoreen. Waxa kale oo la isku waafaqsan yahay in Gen. Abraha uu ahaa injineerkii curiyey colaadda Oromada iyo Soomaalida. Waxaana aad loogu xasuustaa xasuuqii Hameressa ee February 2018 oo ay Amnesty International aad wax uga qortay. Colaaddaas labada shacab oo joogsatay maalintii uu dhintay Abraha.

Sidoo kale waa Janaraalkii inbadan hor-taagnaa nabadda Gobolka ee fashilin jirey wada hadalada ONLF. Wuxu fursad ka dhex arki jirey dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Jananku waxa kale oo uu ahaa saaxiibka koowaad ee Madaxweyne Cabdi iley. Waxa la’ aaminsan yahay in uu dhaqaale badan ka sameeyey dhiigga shacabka Soomaaliyeed. Marar badan waxa loo saadaalinayey in uu noqon doono taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia. Sidoo kale wuxu sii qorsheeyey saamiga uu ku yeelan doono qandaraasyada, adeegga iyo gaadiidka qaadi doona Gaasta laga helay Somali State. Si kale haddii loo dhigo Abraha wuxu ahaa Janaraalkii Tigreega ahaa ee xukumayey gobolka Soomaalida. Laakiin General Abraha Woldemariam waxa mar keli ah ku qarxay cuqubadii Soomaalida, iyo cuqubadii hooyooyinkii uu wiilashooda gawracay. Waxa ku soo booday xanuun aan illaa hadda la’ garanayn wuxu ahaa. Waxa loola cararay Waddanka Thailand, Halkaas oo uu silic ugu geeryooday sanadkii hore June 2019.

6. General Fanta Belay

Wuxu ahaa taliyihii ciidamada cirka ee Ethiopia. Dagaalkii 77kii wuxu haystay saldhigii diyaaradaha ee Dirirdhaba. Diyaaradahaas uu maalin walba ka soo kicin jirey Dirirdhaba waxay dhibaatooyin badan u geyteen shacab badan oo Soomaaliyeed. Magaalada Boorama maalin keli ah oo ahayd 30kii January 1984kii diyaaradaahaas uu hoggaaminayey General Fanta waxay ku dileen 70 qof oo 37 kamid ahi yihiin arday u dhexeeyey 6 jir illaa 14 jir.

Sida buugaagta taariikhdu xustay markii ciidamdmadii Soomaalidu qabsadeen inta badan magaalada Dirirdhaba, General Fanta isaga oo nacaybka uu Soomaalida u qabo awgiis mintidaya waa kii diiday in uu isu dhiibo ciidamada Soomaalida, xitaa wuu diiday in uu diyaaradaha u daad-gureeyo Saldhigii weynaa ee Debre Zeit ee Addis ku dhowaa. Ugu dambayn General Fanta Belay nacaybka ku jira aawadii wuu dagaalamay, weliba wuxu sii laba jibbaaray markii ay soo gaadhay kaalmadii Ruushka iyo Kuubbaanku, Ciidamadii Soomaalidana diyaaradahaas Fanta hoggaaminayey khasaare laxaad leh bay u geysteen. Khasaaraha waxa kamid ahaa sida uu xusay Madaxweyne Muuse Biixi oo xiligaas ahaa sarkaal ciidanka cirka ah in Diyaaradahaas ka soo kacayey Dirirdhaba ay Berbera iyo hawada sare ee (airspace)kaba ku burburiyeen diyaaradihii qaaliga ahaa ee Bombers ka ee Soomaaliya keligeed ka haysatay Geeska Afrika. Sidoo kale diyaaradahaas Xabashidu waxay si arxan-darro ah dhibaato ugu geysteen shicibkii iyo askartii ka soo baxaysay furimihii Dirirdhaba, Herer illaa Baali. Kumanaan geesi oo Soomali ah baa la waayey. Sidaas buuna General Fanta ku helay dallacaaddii ugu sarraysay in laga dhigo Taliyaha Guud ee Ciidamada Cirka Ethiopia.

20kii May 1989kii ayuu General Fanta Belay abaabulay inqilaab Milateri oo uu rabay in uu xukunka kaga tuuro Mengistu Haile Mariam. Ciidamadii Jeneralka daacadda u ahaa waxay qabsadeen Madaxtooyada iyo Idaacada, qaar kamid ah xeryaha ciidanka Qaybta 4aad ee Addis, iyo Wasaaradda Difaaca oo ay ku dileen wasiirkii Gaashaandhigga Mr. Haile Habte-Mariam, sidoo kale waxay la’ wareegeen ciidankii ugu badnaa dalka ee qaybta 2aad ee Eriteria fadhiyey oo tiradoodu ahayd 300,000 askari oo uu madax u ahaa General Demessie Bulto oo la’shaqaynayey Gen. Fanta. Haddana iyaga oo waxaas oo guulo ah gaadhay General Fanta ma’ guuleysan illeen waa nin dhiig shacab gacmihiisa ku yaallaane, kaddibna waa la’ qabtay, isaga oo raba in uu fakado, waana la’ toogtay, 27 General oo la’socdayna dil toogasho ah baa lagu fuliyey. Abwaan Salaan Carabey ayaa hore u yidhi:
Duuggeeda belo waa helaa nin u dedaalaaye.

General Fanta, Dhibtii iyo Dhiiggii shacabka Soomaaliyeed geeri buu ka faaiiday, sababta oo ah Dhiiga Soomaalidu biyo ma’aha.

Xog iyo Xusuus.
Prof. Osman Abokor Dubbe
Gudoomiyaha Xisbiga HILOW.

FG: Fikirka waxaa leh qoraaga looma tiirin karo SomaliMeMo

Related Items