Maamulka 'Puntland' oo xaqiijiyay in weerar khasaara dhaliyay ciidamadiisa lagula beegsaday Balli Khadar.

Sunday May 17, 2020 - 11:44:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 9 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Puntland' oo xaqiijiyay in weerar khasaara dhaliyay ciidamadiisa lagula beegsaday Balli Khadar.

    Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar khasaara dhaliyay oo ciidamada Daraawiishta maamulkaas maalmo ka hor lagula beegsaday duleedka magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar khasaara dhaliyay oo ciidamada Daraawiishta maamulkaas maalmo ka hor lagula beegsaday duleedka magaalada Boosaaso.


Cabdi Samad Gallan oo ah wasiirka amniga maamulka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadooda ku sugan deegaanka Balli Khadar ay weerar culus kala kulmeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Wuxuu qiray in askar laga dilay ciidamadooda balse wuxuu yareeyay khasaaraha dhankooda kasoo gaaray weerarka, wuxuu sheegay in dagaalka ay ku dileen sedax dagaalyahan oo alshaab katirsan isllamarkaana dhankooda laga dilay hal askari.


War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka Balli Khadar lagu dilay 2 askari oo katirsan ciidamada Daraawiishta islamarkaana 2 kale lagu dhaawacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items