Safiirkii Dowladda Shiinaha uqaabilsanaa Yahuudda oo si mugdi kujira udhintay.

Sunday May 17, 2020 - 12:06:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii Dowladda Shiinaha uqaabilsanaa Yahuudda oo si mugdi kujira udhintay.

    Mas'uul katirsan wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Shuuciyadda Shiinaha ayaa si lama filaan ah ugu dhintay dhulka Falasdiin ee ku jira gummeysiga Yahuudda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul katirsan wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Shuuciyadda Shiinaha ayaa si lama filaan ah ugu dhintay dhulka Falasdiin ee ku jira gummeysiga Yahuudda.


Safiirkii dowladda Shiinaha ufadhiyay waxa loogu yeero Israa'iil ayaa meydkiisa laga helay waqooyiga magaalada Talaabiib sida ay sheegeen saraakiil Yahuud ah.

Wargeyska Yadcood Axranoot ee Afka Cibriga ku hadla ayaa sheegay in meydka Do Wei oo ahaa safiirkii Shiinaha ee Yahuudda laga helay qol kuyaal magaalada Talaabiib balse mabixin faah faahin intaas ka dheeri ah.

Telefeshinka 12aad ee Yahuudda ayaa isna sheegay in meydka safiirka aan laga helin wax muujinaya in ladilay waxayna warbixinnada horudhac ah muujinayaan in uu si caadi ah udhintay, Do Wei ayaa horay usoo noqday safiirka Shiinaha uqaabilsan dalka Yukreen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items