Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Gaalkacyo ka dhacay oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug.

Sunday May 17, 2020 - 13:33:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 119 6
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Gaalkacyo ka dhacay oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore guddoomiyihii Mudug ee maanta ladilay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.


Wararka ka imaanaya waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegaya in qarax xooggan lagu dilay Axmed Muuse Nuur oo ahaa guddoomiyihii gobolka Mudug ugu magacaawnaa maamulka isku magacaabay Puntland.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari uu la socday guddoomiyaha Mudug uu qarax xooggan ku haleelay meel aan ka fogeyn xarunta degmada Gaalkacyo, guddoomiyaha Mudug waxaa la dhintay ciidamo ilaala u ahaa sida ay sheegeen saraakiil katirsan maamulka Puntland.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada "Guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Ridada Puntland ayaa ku dhintay camaliyad istish-haadi ah oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sedax kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa guddoomiyaha ay iyana ku dhinteen qaraxa, weerar midkaan lamid ah oo bishii Maarso ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal ugu magacaawnaa maamulka Puntland.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items