Duqeymo iyo Qaraxyo Kenyaatiga Lagula Beegsaday Wajeer.

Monday May 18, 2020 - 11:59:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeymo iyo Qaraxyo Kenyaatiga Lagula Beegsaday Wajeer.

    Saacadihii lasoo dhaafay, guutooyinka milliteri noocyadooda kala duwan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kana howlgala dhulka NFD ayaa qaaday howlgallo kala duwan oo beegsaday ciidamada Kenyaatiga ee halkaas xooga ku jooga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii lasoo dhaafay, guutooyinka milliteri noocyadooda kala duwan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kana howlgala dhulka NFD ayaa qaaday howlgallo kala duwan oo beegsaday ciidamada Kenyaatiga ee halkaas xooga ku jooga.



Guutada Madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ayaa madaafiic xoogan oo ka dhacda qoriga Hoobiyaha waxay ku garaaceen saldhig ciidan oo ay ciidamada Kenyaatiga ku leeyihiin deegaanka Qarso ee gobolka Wajeer.

Madaafiicda oo ahaa kuwa xoogan ayaa si toos ah ugu dhacay bartamaha saldhiga, waxaana firxaday ciidamadii Kenyaatiga ee halkaas fariisinka ku lahaa.

Khasaare kala duwan ayaa gaaray ciidamada Kenyaatiga ee saldhigaas ku sugnaa, sida ay xaqiijinayaan ilo xog ogaal ah.



Sido kale, qarax xoogan ayaa gaari ciidan oo nooca Mutabiishka loo yaqaano, islamarkaana saarnaayeen askarta Kenya waxaa lagula eegtay inta u dhexeysa Qorof Xaraar iyo deegaanka 50, waxaana dhaawacmey 7 askari oo saarneyd gaariga.

Waxyeello xoogan ayaa gaartay gaariga dagaal ee ay saarnaayeen ciidamada Kenya, waxaana howlgalladan ay kusoo aadeen xilli dhawaan weerar ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaala Qorof Xaraar ay ku dileen 7 askari oo Kenyaati ah, kuna soo furteen hub kala duwan, sidoo kalena ku gubeen xarunta shirkadda Safaricom oo ah shirkad ay leedahay dowladda Kenya.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items