Taliban oo weerar naf hurnimo ku beegsaday saldhig ciidan oo kuyaal wadanka Afghanistan.

Monday May 18, 2020 - 14:23:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo weerar naf hurnimo ku beegsaday saldhig ciidan oo kuyaal wadanka Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in markale weerar naf hurnimo lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda Kaabuul balse uu Mareykanku tababaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in markale weerar naf hurnimo lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda Kaabuul balse uu Mareykanku tababaray.


Dagaalyahan naftiis hure ah oo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa weeraray saldhigga ciidamada kumaandooska xukuumadda Kaabuul ee magaalada Ghazni.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayay ku sheegtay in ay weerarkan istish-haadiga ah ku dishay 52 askari oo uu ku jiro taliye guuto kaasi oo lagu magacaabi jiray Naqiibullaah Arjuuni.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa amnigeeda si aad ah loo ilaaliyaa waxaana ku sugnaa askar iyo saraakiil katirsan ciidamada sida gaarka ah utababaran ee lagusoo carbiyay dalka dibaddiisa.


Waa weerarkii labaad ee istish-haadi ah oo laba isbuuc gudahood ka dhaca wadanka Afghanistan, isbuucii lasoo dhaafay weerar kan lamid ah ayaa lagu beegsaday saldhig kuyaal gobolka Baktiiya ee bariga wadankaas dhaca.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items