Maamulka 'Puntland' oo si yaab leh usafaxay maandooriyaha Khaatka.

Monday May 18, 2020 - 15:17:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Puntland' oo si yaab leh usafaxay maandooriyaha Khaatka.

    Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu xayiraaddii ka qaaday maandooriyaha khaadka oo muddo ku dhow bil aan lasoo geliyay deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu xayiraaddii ka qaaday maandooriyaha khaadka oo muddo ku dhow bil aan lasoo geliyay deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.


Guddiga ka hor tagga caabuqa Covid19 ee maamulka Puntland ayaa iclaamiyay in laga bilaabo 18 May 2020, wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in laqaaday dhammaan xayiraadihii dhanka socodka iyo ganacsiga qaadka ahaa ee saarnaa deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

isagoo hadlayay ayuu si jees jees leh u sheegay in iyagoo waynaynayo 10-ka dambe ee bisha Ramadaan ay xayiraaddii ka qaadeen maandooriyaha Khaadka, warka kasoo baxay maamulka Garowe ka dhisan ayaa ahaa mid dad badan ka yaabiyay.


Xayiraadda oo ay ka qaadeen ka ganacsiga Khaatka ayuu maamulka Saciid Deni ku sheegay tallaab ay ku weynaynayaan tobanka dambe ee bisha Ramadaan, maandooriyaha khaatka ayaa halis dhaqaale iyo mid caafimaad ku ah bulshada Soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu cudurka Carona Virus soo gaaray Soomaaliya ayay xayiraad saarneed Khaadkii maalin walba Soomaaliya lagasoo geli jiray dhanka wadamada Kenya iyo Itoobiya balse magaalooyinka qaar ayaa si qarsoodi ah lagusoo geliyaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items