Xildhibaan katirsan maamulka 'Hirshabeelle' oo isku day dil ka badbaaday iyo weeraro ka dhacay Afgooye.

Tuesday May 19, 2020 - 07:48:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan katirsan maamulka 'Hirshabeelle' oo isku day dil ka badbaaday iyo weeraro ka dhacay Afgooye.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin katirsan gobollada Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin katirsan gobollada Sh/dhexe iyo Sh/hoose.


Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Sh/hoose ayaa sheegaya in toogasho ka dhacday gudaha degmadaas lagu dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda, askariga ladilay oo caan ka ahaa deegaanka ayaa lagu magacaabi jiray (Afqashin).

Sidoo kale qarax xooggan oo ka dhacay xaafadda Buula Fooliyo ee isla degmada Afgooye ayaa sababay khasaara soo gaaray ciidamadii laweeraray.

Dhinaca kale xildhibaan katirsan maamulka Hirshabelle ayaa ka badbaaday isku day dil, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay qaraxyo ku weerareen guri uu xildhibaankani ka deganaa degmada Balcad ee Sh/dhexe.


Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM tan iyo markii ay bilatay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items