Maleeshiyaadka Xaftar oo laga qabsaday magaalooyin katirsan Liibiya.

Tuesday May 19, 2020 - 14:23:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Xaftar oo laga qabsaday magaalooyin katirsan Liibiya.

    Ciidamada xukuumadda Alwifaaq ee wadanka Liibiya ayaa la wareegay deegaanno hor leh oo dhaca galbeedka wadankaas kadib dagaallo ay lagaleen maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xukuumadda Alwifaaq ee wadanka Liibiya ayaa la wareegay deegaanno hor leh oo dhaca galbeedka wadankaas kadib dagaallo ay lagaleen maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar.


Fatxi Bashaaqah oo ah wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Daraabulis ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay dagaal la'aan qabsadeen degmooyinka Badar iyo Aljabal oo ku dhow garoonka diyaaradaha Alwidyah kaasi oo qiyaastii 16Km ujira magaalada caasimadda ah ee Daraabulis.

Sidoo kale maleeshiyaadka Xaftar ayaa isaga baxay dhowr xaafadood oo katirsan magaalada caasimadda ah waxayna ujihaysteen dhanka bariga wadanka Liibiya, dib udhac weyn oo dhanka dagaalka ah ayaa soo food saaray isbahaysiga Imaaraatka Carabta iyo Ruushka hoggaaminayaan ee dalka Liibiya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items