Dagaal udhaxeeya ciidamada 'Galmudug' iyo 'Puntland' oo ka socda gobolka Mudug.

Tuesday May 19, 2020 - 14:27:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal udhaxeeya ciidamada 'Galmudug' iyo 'Puntland' oo ka socda gobolka Mudug.

    Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in markale dagaallo beeleedyo ay dib uga qarxeen deegaanno gobolkaas katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in markale dagaallo beeleedyo ay dib uga qarxeen deegaanno gobolkaas katirsan.

Dagaal culus ayaa maanta barqadii ka bilaawday deegaanka Taargow, dagaalka oo qaab beeleed u abaabulan wuxuu si toos ah ugu dhaxeeyaa ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhinacyada hardamaya ay isku adeegsanayaan gaadiidka Tiknimada loo yaqaan oo ay ku rakibanyihiin qoryaha Lidka diyaaradaha, maleeshiyaad labada dhinac gurmad u ah ayaa kala kala tagay waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items