Qarax gaari xamuul ah looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay deegaanka Shalaambood.

Tuesday May 19, 2020 - 20:50:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax gaari xamuul ah looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay deegaanka Shalaambood.

    Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanno katirsan Sh/Hoose qaraxyo khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda lagula eegtay duleedka magaalada Marka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanno katirsan Sh/Hoose qaraxyo khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda lagula eegtay duleedka magaalada Marka.


Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe qarax ka dhacay deegaanka Shalaambood uu sababay gubashada gaari xamuul ah oo sahay usiday ciidamada shisheeyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in jugta qarax xooggan ay maqleen kadibna arkeen ciidamada Uganda ee Shalaambood ku sugan oo xiray wadada laamiga ah, sidoo kale qarax miino ayaa ciidamada dowladda lagula beegsaday gudaha magaalada Marka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items