Dowladda Turkiga oo Bandow adag soo rogtay Maalmaha Ciiddul Fidriga.

Tuesday May 19, 2020 - 20:49:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkiga oo Bandow adag soo rogtay Maalmaha Ciiddul Fidriga.

    Rajeb Dayib Erdogaan oo ah madaxweynaha dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqay in bandow cusub lagelinayo dhammaan magaalooyinka uu dalkaas ka koobanyahay si looga hor tago caabuqa Covid19.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rajeb Dayib Erdogaan oo ah madaxweynaha dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqay in bandow cusub lagelinayo dhammaan magaalooyinka uu dalkaas ka koobanyahay si looga hor tago caabuqa Covid19.


Erdogaan ayaa shir Jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in bandow saameyn doono 84 Malyuun oo ruux uu maalinta Sabtida ka dhaqan geli doono dhammaan gobollada wadanka, isagoo warbaahinta lahadlayay ayuu carabaabay in Bandowgu uu bilaaban doono maalinta sabtiga uuna ku ekaan doono maalinta Talaadada.

Shacabka Turkiga ayaa walaac ka muujiyay bandowga Afarta maalmood socanaya ee lagusoo aadiyay maalmaha Ciidul Fidriga oo ah maalmo ay muslimiintu dabaal degaan, wasiirka caafimaadka xukumadda Anqara ayaa isna sheegay in bandowgan looga hortagayo caabuqa Covid19 oo si xowlli ah ugu faafaya Turkiga.


Dadka Carona Virus ugu dhintay wadanka Turkiga ayaa gaaraya 4199 qof isagoo soo ritay dad ka badan 150 kun ruux, caabuqan ayaa naafeeyay dhaqaalaha Turkiga gaar ahaan majaalka dalxiiska.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items