Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax lagu beegsaday gaariga Cali Gaab.

Wednesday May 20, 2020 - 12:09:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax lagu beegsaday gaariga Cali Gaab.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo saaka ka dhacay mid kamida isgoysyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo saaka ka dhacay mid kamida isgoysyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.


Qarax ka dhacay isgoyska Banaadir ee degmada Hodon ayaa lagu beegsaday gaari uu lahaa Cali Gaab oo ah madaxa howlgelinta caafimaadka ciidamada booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxa "Mujaahidiinta ayaa Muqdisho ku qarxiyay gaari uu lahaa sarkaal katirsan kooxda Ridada,dhimashadu waa hal askari oo ilaala u ahaa sarkaalka badbaaday iyo dhaawac gaaray 3 kale" yaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in Col.Cali Gaab uu ka badbaaday qaraxa islamarkaana uusan la socon gaariga xilligii uu qaraxu dhacayay, dilalka iyo qaraxyada lagu beegsado askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa joogta ka ah inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items