ICJ oo soo saartay go'aan dowladda Kenya fursad usiinaya in ay qaadato Badda Soomaaliya.

Wednesday May 20, 2020 - 11:42:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 10 0
  • Share via Social Media

    ICJ oo soo saartay go'aan dowladda Kenya fursad usiinaya in ay qaadato Badda Soomaaliya.

    Waxa loogu yeero Maxkamadda ICJ ayaa markii sedaxaad ku dhowaaqday in dib loo dhigay dacwadii dhanka badda ee ka dhaxaysay dowladda Federaalka iyo xukuumadda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Maxkamadda ICJ ayaa markii sedaxaad ku dhowaaqday in dib loo dhigay dacwadii dhanka badda ee ka dhaxaysay dowladda Federaalka iyo xukuumadda Kenya.


Warsaxaafadeed kasoo baxay maxkamaddan oo fadhigeedu yahay wadanka Holland ayaa aqbashay codsi uga yimid dowladda Kenya oo ahaa in dib loo dhigo kiiska dacwada arrinkaas oo banaanka soo dhigayo sida maxkamaddu ula safantahay Kenya.

ICJ waxay sheegtay in dacwada dib loo furi doono 15 bisha Maarso ee sanadda 2021-ka, dib udhigistan ayaa sabab looga dhigay cudurka Covid19 ee caalamka kusii faafaya.

Aqoonyahannada Soomaalida ayaa rumeysan in dib udhigista dacwadan ay fursad weyn utahay dowladda Kenya oo qabsan doonto qareenno si ay uxalaalaysato badda Soomaaliyeed oo horayba ay uhaysatay.


Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayay dib udhigista dacwada badda ayaa ku tilmaamay khalad weyn oo ay galeen Farmaajo iyo Kheyre,wuxuu sheegay in dowladdiisi ay meel wanaagsan geysay dacwada badda.

Gurguurte ayaa go'aanka ICJ ee ah in Carona aawgiis dib loo dhigay dacwadda ku sifeeyay mid aan lagu qanci karin, hoggaanka dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in ay ka caga jiidayaan difaacidda badda.

Sanaddii 2009 ayay xukuumadda Shariif Sheekh Axmed dowladda Kenya usaxiixday heshiis dhigayay in badda Soomaaliya qeyb kamid ah lagu wareejiyo Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items