1539 qof American ah oo Carona ugu dhintay wadanka Mareykanka.

Wednesday May 20, 2020 - 12:08:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    1539 qof American ah oo Carona ugu dhintay wadanka Mareykanka.

    Caabuqa Covid19 ayaa wali halaag daran kasii wadanka Mareykanka ee dhaca waqooyiga qaaradda America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa Covid19 ayaa wali halaag daran kasii wadanka Mareykanka ee dhaca waqooyiga qaaradda America.


Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in shalay oo kaliya ay Carona udhinteen dad gaaraya 1539 ruux sida ay xaqiijisay jaamacadda caafimaad ee lagu magacaabo Johns Hopkins.

Saraakiisha caafimaadka Americanka ah waxay saadaalinayaan in cudurkani uu dili doono dad gaaraya 100 kun oo ruux inta aysan dhammaan bishan May.

Dhimashada guud ee uu Carona ka geystay Mareykanka lagasoo bilaabo bishii Feberaayo illaa iyo hadda waxay gaarsiisantahay 91,845 qof halka ku dhowaad laba milyan oo ruux uu Carona kusoo riday gudaha dalka Mareykanka.


Warbixin kasoo baxday hay'adda WHO ayay ku sheegtay in Mareykanku uu wali yahay dalka koowaad ee dadkiisu ay ladhibanyihiin caabuqa Covid19 isaga ayaana ku horreeya dhimashada iyo bukaannada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items