Caabuqa Carona Virus oo dad badan ku laayay dalka Yemen.

Thursday May 21, 2020 - 11:51:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caabuqa Carona Virus oo dad badan ku laayay dalka Yemen.

    Sida ay caddaynayaan baaritaanno saxaafadeed oo laga sameeyay wadanka Yemen cudurka Carona Virus ayaa wadankaas ku laayay kumanaan ruux halka boqolaal kun oo kale ay lajiifaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay caddaynayaan baaritaanno saxaafadeed oo laga sameeyay wadanka Yemen cudurka Carona Virus ayaa wadankaas ku laayay kumanaan ruux halka boqolaal kun oo kale ay lajiifaan.


Koox wariyaal ah oo katirsan shabakadda Aljazeera ayaa baaritaanno ay sameeyeen ku ogaaday in ku dhowaad kun qof ay Carona ugu dhinteen magaalada Caden ee caasimadda KMG -ka u ah wadanka Yemen halka 200 oo kun ay ladhibanyihiin.

Warbixinnadu waxay sheegayaan in magaalooyinka Sanca iyo Taciz ay kamid yihiin meelaha ugu daran ee cudurka Carona Virus uu sida xowlli ah ugasii faafayo, gaabis dhanka caafimaadka ah ayaa sababay in Carona uu shacab Yemeniyiin ah laayo.


Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ku sugan magaalada Sanca ayaa isku dayay in ay cudurka xakameeyaan balse kuma guulaysan sababa laxiriira qalabka caafimaadka oo aad uliita, xukuumadda dabadhilifka ah ee Cabdi Rabih Haadi Mansuur ayay warbixintu sheegaysaa in ay dayacday dadka ku dhaqan magaalooyinka ay maamusho ee uu Carona aafeeyay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka uu Yemen ku laayay Carona Virus ay kamid yihiin dhaqaatiir ah caan ah oo kaalin weyn ku lahaa sidii ay bukaanada usamata bixin lahaayeen, hay'adaha caafimaadka iyo warbaahinta ayaan horay usheegin in Carona uu dad ku laayay dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee Yemen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items