Bandowgii saarnaa xaafadda Islii oo waqti dheeraad ah lagu daray.

Thursday May 21, 2020 - 15:05:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bandowgii saarnaa xaafadda Islii oo waqti dheeraad ah lagu daray.

    Dowladda Kenya ayaa soo saartay go'aan kale oo ay ku adkaynayso xayiraaddii saarneed xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa soo saartay go'aan kale oo ay ku adkaynayso xayiraaddii saarneed xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii magaalada Nairobi.


Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in xayiraadda saaran xaafadda Islii lagu kordhiyay muddo 16 maalmood ah waxayna sabab uga dhigtay caabuqa Carona Virus oo xaafadda fara ba'an ku haya.

Guddiga ganacsatada Soomaalida Kenya ayaa tallaabadan walaac ka muujiyay waxayna sheegeen in xirnaashiyaha suuqyada ganacsiga Islii ay ku weynayaan lacago malaayiin dollaar ah sababa laxiriira munaasabadda Ciidda oo soo dhow.


Kumanaan katirsan ciidamada Booliska Kenya ayaa lagu arkayaa iyagoo gaaf wareegaya xaafadda Islii si ay u adkeyaan bandawga lagusoo rogay deegaanka oo ah midka ay ku ganacsadaan soomaalida.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items