Xarakada Al Shabaab oo sheegtay in Maalinta berri ah ay tahay Ciidul Fitri.

Friday May 22, 2020 - 21:01:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 91 7
  • Share via Social Media

    Xarakada Al Shabaab oo sheegtay in Maalinta berri ah ay tahay Ciidul Fitri.

    Bayaan kasoo baxay Maktabka Qadaha Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhalashadii bisha Shawaal laga arkay ilaa saddex deegaan oo ka tirsan Wilaayaatka Islaamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan kasoo baxay Maktabka Qadaha Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhalashadii bisha Shawaal laga arkay ilaa saddex deegaan oo ka tirsan Wilaayaatka Islaamiga ah.


Marktbka qadaha ayaa sheegay in dad Muslimiin ah oo gaaraya ilaa 15 qofood kuna dhaqan Wilaayaatka Islaamiga ah ay arkeen dhalashada bisha Shawaal.

Deegaanada laga arkay bisha Shawaal ayaa waxaa kamid ah Degmada Ufuroow ee Wilaayada Baay & Bakool, Deegaanka Waraha Dhoobleey ee Wilaayada Jubbooyinka iyo duleedka deegaanka Gamboole ee Wilaayada Shabeellada Dhexe.

Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha ayaa lagu sheegay in 10 qofood oo Muslimiin ah ay bisha ku arkeen duleedka Gamboole, 3 kalena ay ku arkeen Waraha Dhoobleey halka 2 qofood oo kalena ay ku arkeen Degmada Ufuroow


Sidaas daraadeed Maktabka Qadaha ee Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u iclaamiyay in maalinta berri oo Sabti ah ay tahay ciidul Fitri.

Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha Mujaahidiinta ayaa dadka Muslimiinta ah loogu hambalyeeyay ciidul Fitriga waxaana loogu baaqay in ay dadka masaakiinta ah caawiyaan farxada ciidana la qaybsadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items