Sawirro: Sidee looga Ciiday degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe.

Saturday May 23, 2020 - 14:00:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Sidee looga Ciiday degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe.

    Degmada Saakow ee wilaayada Jubooyinka iyo degaanada hoos yimaada waxaa maanta looga ciiday si aad u heer sarreysa iyadoo dad weynuhu ay ku dukadeen fagaarayaal waaweyn islamarkaana muujiyeen shacaa'irta islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Saakow ee wilaayada Jubooyinka iyo degaanada hoos yimaada waxaa maanta looga ciiday si aad u heer sarreysa iyadoo dad weynuhu ay ku dukadeen fagaarayaal waaweyn islamarkaana muujiyeen shacaa'irta islaamka.



Ka hor inta aysan salaadda billaaban wadooyinka magaalada ayaa ahaa kuwa mashquul badan, meel walbana waxaa laga maqlayay dhawaqa Takbiirta.

Abaaro saacaddu markey ahayd 90:00 subaxnimo ayaa la tukaday Salaada iyadoo dad weynaha loo jeediyay khudbad waaqica taabanaysa oo quluubtooda dhaqdhaqaajisay.

Dadka ayaa ahaa kuwa isugu hambalyeynaya maalintan farxadda badan ee Ciidda. Xalay fiidkii hore ayay ahayd markii uu maktabka Qadaha ee Xarakada Al-Shabaab uu iclaamiyay in maanta la ciidayo.

Maamulada wilaayaadka islaamiga ah ayaa saaka iyo xalayba juhdi badan ku bixiyay qeybinta Zakaatulfidriga iyadoo dadka masaakiinta ah lala qeybsaday farxadda.










 

Related Items