Wasiirkii deegaanka maamulka 'Puntland' oo udhintay Cudurka Carona.

Monday May 25, 2020 - 11:11:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii deegaanka maamulka 'Puntland' oo udhintay Cudurka Carona.

    Magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay mas'uul sare oo katirsana amaamulka isku magacaabay Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismaaciil Diirriye Gama'diid wasiirkii dhintay ee Puntland
Magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay mas'uul sare oo katirsana amaamulka isku magacaabay Puntland.


Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ahaa wasiirkii deegaanka maamulka Saciid Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal ku yaal magaalada Garowe sida uu xaqiijiyay afhayeenka 'Puntland' balse markii dambe ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho halkaas oo uu ku dhintay.

Wasiirka dhintay ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay caabuqa halista ah ee Covid19 wuxuuna ku jiray xaalad karaantiil ah, illaa laba wasiir oo katirsan maamulka Puntland ayaa wali lajiifa Carona Virus waloow xaaladooda caafimaad ay soo hagaagayso.


Saciid Deni oo isna warbaahinta lahadlay ayaa xaqiijiyay geerida wasiirkii deegaanka isagoo tacsi udiray ehelladii uu ka dhintay, waa mas'uulkii ugu horreeyay ee magaalada Garoowe ugu dhinta Carona Virus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items