Dagaal Khasaara badan dhaliyay oo ciidamada dowladda ku dhaxmaray degmada Dayniile.

Tuesday May 26, 2020 - 08:53:19 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Khasaara badan dhaliyay oo ciidamada dowladda ku dhaxmaray degmada Dayniile.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray gudaha magaalada Muqdisho.


Iska hor'imaadka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, ciidamo ka yimid dhanka degmada Afgooye ayaa weerar ku qaaday deegaanka Beco ee Dayniile halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo kale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 askari ay ku dhinteen iska hor'imaadka halka 5 kale ay dhaawacyo kasoo gaareen, ciidamada dhaxdooda dagaallamay ayaa isku haya dhul dhisme ka socday oo kuyaal Dayniile.


Ma ahan markii ugu horraysay oo iska hor'imaad khasaara dhaliyay uu ciidamada dowladda uu ku dhaxmaro Muqdisho, bishii Ramadaan gudaheeda 4 askari oo uu sarkaal ciidan kamid ahaa ayaa ku dhintay dagaal ciidamada dowladooda ku dhaxmaray xaafadda Soona Key ee degmada Hodon.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items